BOORAME (GNA)-Waxa maanta magaalada Boorama soo gaadhay wafti Wasiirro ah oo qayb ka ah, guddi uu madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland u magacaabay Xakamaynta Tahriibta aafaysay dhalinyarada Somaliland, waftigan oo uu hugaaminayo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo uu weheliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta.ayaa markii ay soo gaadheen Boorama saxaafada uga waramay ujeedada safarkooda ayaa waxa ugu horayn ka warbixiyay Wasiir wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland Cali Siciid Raygal waxana uu yidhi “Waxa aan qayb ka nahay wafdi uu Madaxwaynuhu u magacaabay in ay arinta mashaqada heer qaran ee tahriibta ka soo talo bixiyaan oo ay ka soo saaraan xal waara, waxa aan Boorama ku sugnaan doonaa dhawr maalmood, waxa aan kulamo la yeelan doonaa qaybha kala duwan ee Bulshada, iyo madaxda Dawlada, waxana aan ka arinsan doonaa sida tahriibta xal loogu heli lahaa anaga oo wada dhan”
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadu waxa ay tahriibta u aqoonsatay Aafo qaran, waxan mudada aan joogno ururin doonaa xog balaadhan oo salka ku haysa meesha ay dhibaatadan Tahriibtu salka ku hayso, waxa aan kula noqon doonaa waxa aan aragno Madaxwaynaha, waxana aan soo saari doonaa talooyin iyo talaabooyin muuqda oo xal u helaya arintan tahriibta.
Habeenimada caawa ah ayaa waxa lagu wadaa in Wafdigani uu la kulmo dhalinyarada iyo xil sideenada bulshada, waxana qorshaysan in ay maalmaha xiga booqdaan, laamaha dawlada iyo ardayda jaamacadaha, waxana ay dhamaan ujeedada kulamadani daaran tahay in laga baajiyo dhalinta mashaqada tahriibta ee wada taabatay.Si kastaba ahaate safarkan wasiirada ee yimid magaalada borama ayaa waxa ay ku soo beegmaysa xili dhalinyarada Somaliland ay yihiin kuwo ku mashquulsan Arinta tahriibta oo si badan ugu faaftay dhamaan gobolada somaliland isku soo wada duuboo arinta tahriibta ayaa noqotay mid inbadan kusoo noq noqotay dhagaha bulshada waxa xukumada looga fadhiyaa sidii dhalinyarada Somaliland loogu abuuri lahaa shaqo inkstoo xukuumada somaliland ayay marar badan ku cecelisy inay samaynayso shaqo abuuris dhinaca dhalinyarada ah balse ilaa hada majirto wax shaqo abuuris oo ay xukuumadu usamaysay dhaliyarada somaliland
BY: Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo News
Borama Office