Friday, November 1, 2013

Suuqa: Liverpool oo Isha Ku heysa Da’yar ka ciyaara horyaalka Sweden


GNA_Liverpool ayaa la socota xaalada 18 jir u dhashay wadanka Ghana oo lagu magacaabo Daniel Amartey, kaasi oo u ciyaara koox ka dhisan dalka Sweden.




 




Daniel Amartey ayaa ku fiican ka dheelida qadka dhex ama difaaca labada waxana majaladaha ka faalooda kubada cagta ay sheegayaan in Reds ay liiska ku darsatay da’yarka.




 




Laacibkan oo kooxdiisa Djugardens ku biiray isagoo 16 jir ah ayaa waxa uu soo bandhigay kubad la jecleysto isagoo hada u muuqda in uu jecel yahay in uu ku biiro kooxo sare.




 




Daniel Amartey ayaa ciyaaray 28 kualn xilli ciyaareedkan, isagoo muujiyay bandhig wanaagsan oo ku aadan labada boos ee uu ka ciyaaro.




 




Sidoo kale kooxaha xiiseynaya xidigan ee ciyaarihiisa daawaday waxaa kamid kooxda reer Germany Schalke iyo Kaiserslautern.




 




Horaantii bishan muqaal laga soo duubay da’yarkan ayaa soo jiitay indhaha dad badan kaddib natiijo uu ka dhigay laad uu 70 yard meel u jirta goolka uu dhaliyay.