Wednesday, October 16, 2013

Kismaayo:Sidee looga Ciiday Gobollada Jubbooyinka, Shacbiguse ma ka soo Kabteen Riiqdii Dagaalka?


Kismaayo(GNA)-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbadda hoose iyo badi Gobolada ku yaala Koonfurta Somaliya ayaa si weyn looga ciiday Munaasibadda Ciidal Adxaha.




Hogaamiyaha ku Meel-gaadhka ah ee Jubaland iyo Saraakiil tirsan Dawlada ayaa goob fagaare ah kula tukaday boqolaal qof oo shacabka Reer Kismaayo ah, kuwaasoo arroornimadii shalay isugu soo baxay goobaha mucayimka ah ee loogu talo-galay in lagu oogo Salaada Ciida.




Magaaladan oo afartii bilood ee ugu dambeeya ay ka dhacayeen Dagaalo u dhexeeya Alshabaab, hogaamiyeyaal kala sheeganayay Madaxweynenimada Jubaland, Ciidamada Dawlada Somaliya iyo Xoogaga Amisom oo ay ku soo biireen Milateriga Kenya, ayay shalay u ahayd maalin farxad badan oo nabad-gelyo ah .




“Walaahi Magaalada Maanta si weynbaa looga dareemayaa Farxadda ciida, cabsi iyo waxoogaa tashuush ah oo wali kaga sii hadhay Dagaaladii way jiraan, laakiinse boqolkiiba sideetan Magaalada waxa laga dareemayaa degenaanshiyo iyo farxadda ciida”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Nimco Mooge oo ah Haweenay ka mid ah dadkii shalay ku ciiday Kismaayo.




Dhinaca kale, Saraakiisha Jubaland ee Reer kismaayo la ciiday ayaa shacbiga ku boorinayay inay nabad-gelyada Ilaashadaan, islamarkaana iska jiraan Kooxaha Nabadda ka soo horjeeda.




dhamaan Masaajiddada iyo Goobaha kale ee lagu Tukanayay ayaa ahaa kuwo si isku mid ah u camiran, waxaanay taasi rejo nabadeed iyo degenaanshiyo siyaasadeed u tahay Bulshada rayidka ah oo riiq badan kala kulmay dagaaladii muddooyinkan dambe ka dhacayay.




inkasta oo aan xal waara laga gaadhin muranka Maamul u samaynta Goboladdan, hadana Heshiiskii dhawaan lagu kala saxeexday Addis-ababa ee dhex maray Dawlada Federaalka ah iyo Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa ah rejo qayb ka mid ah Bulshadu riyaaqayaan.




laakiinse dhinaca kale inta qaybaha Bulshada ee Gobolku waxa ay saluugsanyihiin in Shirka Dib u heshiisiinta ee lagu baadi goobayo xalka Jubaland lagu qabto Muqdisho, waxaanay doorbidayaan in shirkaasoo 21-keeda loo cayimay lagu qabto Kismaayo ama meel kale oo Gobolka ka mid ah.




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com