waxaan doonayaa in aan if tiimiyo ama bulshada reer alaybaday u sheego balaqaad yadadii Waqtigii ololahii doorashada kulmiye ee degmada alaybaday in ay noqdeen waxba kam jiraan.
majiraan degmada cid u hadasha oo doonta wixii ka maqan waxaan leeyahay odayaasha waxgaradka dhalinyarda haweenka in aan cidi idiin maqnayn ee is ku tashada cidna wax haka sugina.
Hadaba hadaan wax yar ugu taabto waqtigii ololaha doorashadda waxaa uu xisbiga kulmiye ku balan qaaday in uu wax badan wax ka qaban doono xaga horumarka dagmada dhankasta waqtigaa Khudbadihii kulmiye ka jeediyay degmada waxay bulshada u sheegeen in ay dhaami doonaan dawldii udub ee uu hogaanka u hayay M/waynihii hore Riyaale Bulshda Reer alay baday waxay rumaysteen balan qaadyadaa kulmiye waxayna si aan kala hadh lahayn u taageereen Xisbiga Kulmiye oo ku guulaystay hamigiisii ahaa in uu Talada maruun uu qabto.
Hadaba maanta oo uu talada dalka hayo Xisbiga kulmiye mudo sadex sano iyo badha muu oofin balantii .Degmaduna Waxay noqotay mid aan waxba loo qaban.
Monday, June 07, 2010 Taariikhda waxaa degmada alaybaday tagay wafti culus oo uu hogaaminayay Gudoomiyhii Xisbiga kulmiye AHMED MAHAMUUD (SIIRAAYO) waxaana Degmada logu soo dhaeeyay si aan hore loo arag waxaana soo dhawayntaa horkaacayay Gudoomiyhii degmada oo haa XASAN SHAHAR xasan oo markaa ka mid ahaa Xisbigii talada haya ee UDUB waxaa uu Goobtii ka sheegay in uu kusoo biray maanta laga bilaabo kulmiye Iskana Casilay Gudoomiyanimadii Degmada Hadaldiisiina waxaa ka mid ahaa, Mr. Xasan Cabdi Cali waxa uu yidhi " Aniga oo ah Gudoomiyihii Degmada Allaybaday waxa aan goostay "Markii aan arkay Xisbiga Udub in aanu danayn,Markii aan arkay Shacbiga reer Allaybaday sidda aanay waxba ugu qabanayn,waxa aan goostay aniga oo ah Gudoomiyihii Degmada Allaybaday in aanan kusii jiri karin taas iskana casilay Xilkii Gudoomiyenimo ee aan hayay, Laga bilaabo maantana aan ku biiray Xisbiga Kulmiye oo aan u arkay in ay ku jirto danta shacabka Degmada Allaybaday waxaanan dhamaan bulshawaynta reer Allaybaday ugu baaqayaa in ay taageeradooda uleexiyaan xaga Xisbiga Kulmiye, Talada Qaranku maalinba ninbay saaran tahay shalay iyo maantaba aniga ayaa xilka haya baritana cid kale ayaa qaban doonta.
Akhristaw xasan waxa uu filaayay in Kulmiye wax badan u qaban doono Degamdiisa marka majaraha dalka uu qabto laakiin may dhicin ee waxaa dhacaday KADAROO DIBI DHAL.
Isla taariikhdaa waxaa isna ka hadlay Madaxwaynha hada ee Maxamed ahmed siiraayo oo hogaaminayay wafdigan culs hadaldii uu bulshda reer alaybaday ku yidhi waxaa ka mid ahaa,.Walaalayaal Allaybaday Aniga taariikh fara badan bay ii leedahay aniga oo halgankii SNM Gudoomiye ka ah ayaan halkan imi, waxa aynu usoo halgamaynay su'aashu waxa weeyi maanta mahaynaa mid waynu haynaa haa waynu haynaa Madaxbanaanidii somaliland waynu ahaynaa n dawladbaynu nahay calanbaa inoo taagan qaranbaynu nahay marka aynu eegno waxa mandaqada aynu kunoolahay waxa ka dhacaya meel inaga xasilooni majirto se maxaa inaga dhiman waxa inaga dhiman Maamulkii dawladeed ee qaban lahaa Khaanibaadka Aasaasiga ah ee umada iyo shacbiga loo qaban lahaa wixii shacbigu sugayay ayaynu maanta laanahay waa Tacliintii,waa Waddooyinkii, waa wax qabashooyinkii kale, waa taakulooyinkii ganacsatada, iyo Umada inteeda kale waxaynaan ahayni waxa weeyi xilalkii laga sugayay Qaranka Somaliland dawlada maanta jirta waxaynaan hayn Ictiraafkii aynu u halgamaynay ee inagu dhexdari lahaa quruumaha kale ee madaxa banaan ee caalamaka waxa weeye dawladan Mudada dheer joogtay ee wax leh wax ay qabatay jirin ee dhalinyaradeenii maanta tahriibayso wadooyinkeenii aynu aragno ee xaalada dalkeenu ku sugan yahay aynu aragno waa mid ayaan daro ah weeye.waxa aynu maanta gaga baxaynaa waxa weeyi inaga oo si Dimuquraadiya oo codkeena bixina oo u marina halgan kale iyo dagaal kale oo codkeena ku badala ,Codkaana maanta waxa aanu doonaynaa in aad nasiisaan haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye.
LASCO QAYBTA 2
dhore77@gmail.com
3140 qofood