Kaddib muddo shan gu' ah oo aan gacanta ku hayay qoraalka Diiwaanka Samo-talis: Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) waxa Alle mahaddii ah inuu buuggaasi ifka u soo baxay horraantii bishan Sebtember/2013ka. Waxa aan mahad badan usoo jeedinayaa bulshadii sida uursamida ah iigu muujiyay qiimaha muddadii an hawshan gacanta ku hayay, gaar ahaan intii intii erey, aqoon, aragti, adduun iyo taakulo kaleba aan ka helay.
Bogaadin gaar ah waxa aan ujeedinayaa Shirkadda Daabacaadda SAGALJET oo si xilkasnimo iyo waddaniyad leh u qaadday masuuliyadda daabacaadda buuggan. Waxa laga heli karaa rug-aqooneedka Redsea-Online oo ku taalla magaalada Hargeysa, gaar ahaan Fooqa Orientalka oo ku yaalla badhtamaha Caasimadda qaybta u jeedda KOonfur. Waxa si wadajir ah u soo saaray Dugsiyada Maroodijeex, Quulle Aadan Schools iyo Akadamiga ERA
Wixii faahfaahin ku saabsan Buugga Diiwaanka Samo-talis: Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) waxa aad kala xidhiidhi kartaa Qoraag dhiganahan oo faahfaahintiisu tahay
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair
Tell: 0634428604/9169034
Hargeisa, Somaliland