Wednesday, October 23, 2013

20- daqiiqadood maalintii oo hurdo ah = caafimaad aad u wanaagsan (daraasad caafimaad)


GNA- indho-caseysi waxaa loo yaqaanaa hurdada waqtiga gaaban ee maalintii. Waxaa hurdadaasi laga faa'idaa caafimaad aad u wanaagsan, daraasad caafimaad oo la soo saaray ayaa sidaasi muujisay.




Daraasadan oo lagu soo dabacay bogga arrimaha caafimaadka ka waramay ee Al-arab, waxaa ay tilmaamtay hurdada waqtiga gaaban ee maalintii aad inay muhiim ugu tahay qofka.




Hurdada laga hadlayo ma a ha mida habeenkii ee waqtiga dheer. Waa mida maalintii dadka qaar ay seexdaan waana waqti kooban oo hurdo ah.




Waxaa ay sheegeen Dhaqaatiirta soo saartay daraasaddan, inta ugu fiican in ay tahay 20 daqiiqo in uu qofka hurdo maalintii. Waxaa kale oo ay tilmaameen 15 daqiiqo ama xittaaa 5 daqiiqo oo kaliya in ay ku filnaan karto qofka in uu hurdo maalintii.




Waxaa loo qeybiyay saddex:




hurda waqtigeedu dheer yahay, oo la seexdo 30-daqiiqo iyo wax ka badan;




hurda dhex-dhexaad ah, 5 ilaa 30 daqiiqo;




iyo hurdada gaaban (indho-gaduudsi) mudo 5 daqiiqo iyo wax ka yar.




Xilliga ugu wanaagsan:




Waxaa ay farta ku fiiqeen Cilmi-baadhayaasha, xilliyada hurdada gaaban ee maalintii ku wanaagsan in ay tahay inta u dhaxayso 1da duhurnimo ilaa 3da galabnimo. Qofkii xilliyadaasi dhexdooda hela wax hurdo ah waxaa uu ka faa'idi karaa firfircooni dhanka maskaxda ah iyo jidhkiisa oo nafaqo hela.




Diyaariye>C/Qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobonimonews.com