Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed ayaa ka jawaabay eedaymo xisbiyada mucaaridka ahi Xukuumada ku dhaliileen dhismaha wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, taasoo ay dawladdu ku hawlan tahay hirgelinteeda.
Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sidoo kale meesha ka saaray khilaafa oo ka dhex jira shir-gudoonka golaha wakiilada,,isagoo tilmaamay inay kala afkaar aaminsan yihiin golaha wakiilada iyo xisbiyada.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada oo ka hadlaya wada shaqaynta ka dhexaysa shir-gudoonka ayaa yidhi “shirgudoonka wax khilaafa oo ka dhex jiraa ma jiro waayo shirgudoonka shaqadiisu waxa weeyaan inay guddoomiyaan golaha, go’aankana waxa leh xildhibaanada dhinaca ay u bataan ayuun baa la raacayaa iyada loo eegayn mucaarid iyo muxaafad”ayuu yidhi.
“ waxa weeyaan golaah wakiilada iyo axsaabta labo fikradood ayaan kala aaminsanahay, laakiin markay noqoto golaha wakiilada iyo shirgudoon mid baan nahay oo waxaan isku khilaafsanahay ma jirto”ayuu hadalkiisa raaciyay Dr. Cali Yuusuf.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada waxa uu tilmaamay inay mubaax tahay oo wax u diidayaa jirin inay xukuumadu olole siyaasadeed uga faa’iidaysato hir-gelinta mashaariicda horumarineed oo dalka laga fuliyo, taasoobuu yidhi ka mida arimaha xisbiga lagu dooran karo.
“waxa jira dad yidhaahda dawladu doorasho ayay ku doonaysaa jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, waa lagu doonayaa dadku waxay wax nagu siinayaan oo wax ku dooranayaan waxqabad,markaa qolyaha mucaaradayaa wax ha qabtaan baylah faro badan ayaa wadanka jirta, markaa waa mid xalaala in dawladu ku tartanto waxqabadka ay qabatay ee ay umadda u qabtay inay kursi ku raadsato waa shay loo baahan yahay”.
Xisbiyadda Mucaaridka ah ayaa dhaliilo soo noqnoqday Xukuumadda uga soo jeediyay Mashaariicda dhismayaasha waddooyinka dalka iyo arrimo kale, dhalilahaasoo ah kuwa hadalka Guddoomiyuhu daba socdo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com