Thursday, October 24, 2013

Group H: AC Milan Iyo Barcelona Oo Dhibcaha Ku Kala Qeybsaday San Siro.


Kooxaha AC Milan iyo Barcelona ayaa dhibcaha ku kala qeybsadasy San Siro ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.




Milan ayaa gool looga diiday offside markii ay ciyaarta socotay 7 daqiiqo, laakiin labo daqiiqo ka dib waxa ay ciyaarta u qabteen hogaanka markii qalad daafac ay sameeyeen Pique iyo Mascherano ay u ogolaatay in Robinho iyo Kaka ay kubado taabasho ah isweydaarsadaan, iyadoo Robinho uu markii danbe kubada dabamariyay Victor Valdes.




Barcelona ayaa barbareysay daqiiqadii 23aad ee ciyaarta markii Iniesta uu baas fiican u dhigay Messi kaasoo isna aan ka daahin inuu kubada shabaqa cusjiyo.




Mexes iyo Neymar ayaana fursado waa weyn ka qasaariyay labada kooxood qeybtii hore iyadoo lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.




Daqiiqadii 53aad ayaa Milan waxaa soo martay fursad gool loo fiashay markii kubad uu dhanka bidix ka soo dhigay Muntari uu goolka afkiisa hore ku helay Robinho, laakiin halkii uu kubada ku taaban lahaa shabaqa waxa uu la waayay lugta taasoo aheyd fursad weyn uu kooxdiisa ka qasaariyay.




Labo daqiiqo ka dib goolhaye Marco Amelia ayaa isna fursad weyn ka badbaadiyay Iniesta ka dib kubad isku laablaabatay.




Labada kooxood ayaana kubado kale oo fursado ah helay, inkastoo kubad heysashada ay inta badan laheyd Barcelona, laakiin midkoodna labada kooxood uma suurtogelin inay helaan goolka guusha.




Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, iyadoo kulanka kale ee isla group-ka ee soo socda ay AC Milan booqan doonto Camp Nou.




Natiijadan waxa ay ka dhigeysaa in Barcelona ay Group H ku heyso 7 dhibcood, halka AC Milan ay leedahay 5 dhibcood.




Celtic ayaa soo gashay kaalinta 3aad iyagoo leh 3 dhibcood ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Ajax, halka kooxda reer Holland ay group-ka u hooseyso iyadoo leh kaliya hal dhibic.