Atletico Madrid ayaa sii xajisatay hogaanka Group G ka dib markii ay 3-0 ugu awood sheegteen kooxda Austria Vienna oo marti loo ahaa.
Raul Garcia ayaa goolasha u furay kooxda reer Spain, ka hor inta uusan labo gool u dhalinin xiddiga la celin la’ yahay ee Diego Costa.
Diego Costa ayaana xilli ciyaareedkan ku raaxeysanaya qaab ciyaareed aad u fiican isagoo ilaa iyo haatan dhaliyay 12 gool.
Guusha ay gaartay Atletico ayaana la micno ah inay 9 dhibcood ku heysa Group G madaama ay wada badiyeen seddexdii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan.
Zenit ayaa kaalinta labaad soo gashay ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen 10 ciyaaryahan oo FC porto ah.
Hector Herrera ayaa labo jaale ku qaatay lixdii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, waana markii ugu horeysay ee ay sidaasi dhacdo taariikhda Champions League.
Zenit ayaana goolka guusha heshay ciyaarta oo afar daqiiqo dhiman ka dib markii karoos uu soo dhigay Hulk uu madax ku dhaliyay Alexandr Kerzhakov.
Zenit waxa ay leedahay 4 dhibcood halka FC Porto ay leedahay seddex dhibcood halka Austria Vienna ay hal dhibic leedahay