Thursday, October 24, 2013

Jose Mourinho Oo Aqbalay Dacwada Lagu Soo Oogay Iyo Isagoo Filanaya Kaliya Ganaax Lacageed


_Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay inuu aqbali doono ganaaxa lacageed ee la duldhigayo ka dib markii xiriirka kubada cagta Ingariiska ay ku soo oogeen dacwad ka dhan ah oo la xiriirta inuu si aan habooneyn u dhaqmay.




Mourinho ayaa lagu amray inuu fariisto taribuunka ka dib markii uu muran la galay garsoore Anthony Taylor kulankii sabtida ee ay ka badiyeen Cardiff City.




"Warbixintii uu garsooraha qoray waxa ay aheyd mid run ah. Ma aanan aheyn mid cabsi geliyay isaga, mana aanan aheyn mid isticmaalay luqad aan habooneyn, kaliya wax ayaan isku qilaafnay" ayuu yiri.




"Waan aqbalayaa ganaaxa lacageed, kulanka Manchester City-na waan shaqeysan karaa.




"Garsoore Taylor waa dacad, cadaalad ayuuna ka ahaa warbixintiisa ciyaarta" ayuu yiri macalinka Chelsea.




"Wixii uu qoray waa sida ay wax u dhaceen, waana sababta aan u fahmi waayay in taribuunka la ii saaro.




"Waana sababta ay ciqaabteyda u noqoneyso kaliya mid lacageed."




Mourinho ayaa heysta ilaa iyo 24ka October 6pm inuu si rasmi ah kaga jawaabo dacwada.