Thursday, October 24, 2013

Madaxweyne ku-xigeenka puntland oo ku Ololeynaya Dib u Xoreynta laascaanood,si uu shacbiyad Siyaasadeed ugu helo!


Taleex(GNA)-Inkasta oo Cabdi samad Cali Shirre ku sugan yahay Degmada Taleex ee Gobolka Sool, hadana imaanshiyiisa halkaasi waxba kama duwana safar hore uu ku maray deegaamo ka mid ah Gobolka Sool.




Ujeedada ugu weyn ee Socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre Degmada taleex, ayaa salka ku haysa Taageero raadis siyaasaddeed oo gogol xaadh u ah Doorashada Madaxtimada ee dawlad Goboleedka Puntland.




 “Cabdi samad wuxuu raadinaaya Taageero, laakiinse ma haysto shacbiyad, dadka deegaankuna horay uga daaleen, taageeradiisa, waxa kaliya ee uu haystaana waa waa wax aad u yar oo ka mid ah Bulshada”sidaasi waxa Gobanimonews u  sheegay mid ka mid ah indheer garadka Reer Taleex oo inaan magaciisa la shaacin codsaday.




Safarkan uu ku yimi Taleex, ayaa noqonaya markii labaad ee uu halkaasi soo gaadho isagoo wata Gaadiid Gaashaan iyo ciidan tiro badan oo uu Garoowe ka soo kaxaystay, waxaanu dhinac ka soo dhaafay Shirweynaha ka socda deegaanka Sarmaayo oo galay todobaadkii labaad,loogana hadlayp aayaha siyaasadeed iyo arimaha ardaaga uu ka soo jeedo Cali Shirre.




Lahjad siyaasadeedka uu isticmaalayo xiligan ee uu doonayo inuu Bulshada ku soo jiito, ayaa ah inuu horseed ka noqonayo Hindise dib loogu xoraynayo Gobolka Sool, oo gacanta Puntland ka baxay badankiisu sanadkii 2007-dii, haatanse laga soo xigtay inuu waxgaradka Deemaada Nugaasha Sool kula faqay inuu hawshaasi diyaarinayo.




Laakiinse aragtidaasi waxa loo arkaa mid aan dhaafsiisnayn xod-xodasho iyo isdhul dhigis siyaasadeed oo aan hadafkiisa Kursi raadis ah dhaafsiisnayn, taasina waa mid ay dad badani ku fahansanyihiin sida ay falanqeeyayaasha siyaasadda Puntland Iftiiminayaan.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com