Sir Alex Ferguson ayaa rumeysan in guulo layaab leh uu soo hoyn doono Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United Dived Moyes, isaga oo u saadaaliyay in xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya United uu koob u qaadi doono.
Moyes ayaan ku raaxeysaneyn bilaabasho fiican shaqada Old Trafford tan iyo markii hawsha uu kala wareegay macalin Ferguson xagaagan.
United ayaa fadhida booska 8aad ee horyaalka Premier League, iyadoo barbarihii ugu horeeyay oo 1-1 ah lagashay daraad kooxda Southampton taasi oo ka dhigeysa in ay 8 dhibcood ka hoseyso hogaamiyaasha Arsenal.
Mayes ayaa goor hore hoos loo dhigay rajadiisa ku guuleysiga Champions League, laakiin Ferguson ayaa rajeynayay in Macalinka ay isku wadanka yihiin uu koob geynayo Old Trafford xilli ciyaareedkiisa Shaqada ugu horeysa.
“Marka laga hadlayo David waxa ay u badan tahay in uu guulo caajaa’ib leh gaadhsiiyo kooxda”. Ferguson ayaa sidaasi u sheegay MUTV.
“Dhibmalahan waxa hada aad arkeysaan wali waxa uu heystaa fursad uu ku qaadi karo League Cup, FA Cup, European Cup ama Premier League”.
Ugu danbeyn Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in Premier League uu dhexyaallo Lix koox, kuwaasi oo ay ku jirto Manchester United.
Kooxda Macalin Dived Moyes ayaa ku bilaabmay xilli ciyaareedkan si aan la jecleysan waxayna kooxda ay lumisay fursado badan iyadoo qasaare badan soo xareysatay sideedii kulan ee ay ciyaartay Premier League.