(GNA) Mr. Micheal Olson oo 23 jir ah, una dhashay dalka Maraykanka, ayaa ka yaabiyey caalamka, kadib markii uu 12 sanno oo xidhiidh ah ku guulaystay isagoo gacmo iyo lugo toona aan lahayn ciyaaraha kombuyuutarka (Video Games).
Waxa qof kasta oo maqla dhacdada ninkan aad ula yabayaan bal sida uu u garaaci karo kombuyuutarka oo u baahan gacmo, balse ninkan u dhashay Gobolka California ee dalka Maraykanku wuxuu aad u ciyaara ciyaaraha toogashada amma ciidammadu is weerayrayaan ee kombuyuutarka laga ciyaaro.
Ninkan waxa uu samaystay barta xarfaha kombuyuutarka (Keyboard) laga garaaco iyo tilmaaha kombuyuutarka (Mouse) oo u gaar ah, kaasoo uu madaxa ku garaaci karo, halka tilmaamaha (Mouse) kombuyuutarkuna dareemihiisa la shaqaynayaan sida lagu daabacay wargeyska The Daily Dot.
Mr. Olison oo la baxay naanaysa ah Handi waxa uu intii ka dambaysay 2001-kii uu ku guulaysanaayey tartan ciyaaraha kombuyuutarka ah oo dalka Maraykanka laga qabto.
Dadka uu internetka dhexdiisa kaga guulaysto ciyaaraha waxay aad u yabaan marka xaalada ninkan ay ka war helaan, iyagoo ku tilmaama inuu yahay in aad khibrad ugu leh, maskaxdiisana siiyey ciyaarahan kombuyuutarka laga ciyaaro (Video Games).
Caanaha Daasadaha ku Jira oo Dhibaato Caafimaad u Keena Carruurta Yar-yar ee la Siiyo
Caanaha daasadaha ku jira ee buddada ah oo la ogaaday in ay aad ugu badan tahay macdanta Aluminium la yidhaa ayaa carruurta markay koraan ku keena dhibaato caafimad sida khubaro ka tirsan Jaamacadda Keele ee dalka Ingiriisku iftiimisay.
Caanahan oo noocyo kala duwan isugu jira oo ay ku badan tahay macdanaha birta ay waxay ubadka ku keenaan xannuuno badan oo daris la noqda markay koraan.\
Daraasada khubaradan arrintan ku ogaadeen oo lagubaadhay 30 nooc oo a mid ah caanaha qasacadaha ku jira ee lagu iibiyo dalka Ingiriiska ayaa iftiimisay in ubadka ay marka dambe ee ay weynadaan ay ku dhacaan cudurrada neerfisyada asiiba, kuwa lafaha ku dhaca iyo ilawshiiyo aad u badan amma xasuusta oo ku yaraata.
Shirkadaha soo saara caanahan oo khubaradu wax ka waydiisay ayaa sheegay in aanay ku darin macdanta Aluminium ee birta ah, balse caano badan ay ku qasacadeeyaan bir Aluminium ah, sidaa darteed caanaha looga helo macdantan.
Khubaradan waxay ugu baaqeen shirkadaha soo saaraha caanahan carruurta inay hoos uga dhigaan xaddiga Aluminium ah ee ay ku darayaan si aan ubadka caafimaadkoodu halis u gelin.
Prof. Chris Exley oo hormood u ah khubarada cilmi-baadhistan samaysay wuxuu saddex sanno ka hor soo saaray daraasad cilmi-baadhistan u dhaw oo tilmaantay in caanaha ay ku jirto xaddi aad u badan macdanta birta ah ee Aluminium.
“Waxaannu aaminsanahay in macdanta Aluminum aad ugu badan tahay caanaha shirkaduhu soo saraan, taasoo carruurta aakhirka saamayn aad u xun ku yeelata, waxaannu naqaan halista macdantan, sababtoo ah Aluminium waxay sababtaa cudur uu ka mid yahay asaasaqu, cudurrada neerfisyada ku dhaca iyo dhiig-yaraan, sababtoo ah qofku ma qaato macdanta Iron oo dhiigga muhiimad badan u leh,” ayuu yidhi Prof. Chris
Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Baaruud (Askar)
Gobanimonews-Staff