Kooxda AC Milan ayaa dib ugu soo noqotay wadadii guulaha iyada oo Talaada uu u soo wajahanyahay kulanka Champions League ee ay la ciyaari doonto kooxda Barcelona.
Qadka dhexe ee reer Slovenia Birsa ayaa siiyaya AC Milan goolka guusha markii uu laad xoogan shabaga ka soo toogtay meel 20 yardi u jirta.
Antonio Di Natale ayaa helay laad xora ah oo uu kooxdiisa Udinese ugu barbareyn kara, laakiin birta ayay uga dhacday.
Guushan ayaa Milan dhigaysa booska 8aad ee horyaalka Serie A iyada oo 13 dhibcood ka danbeysa hogaamiyasha Roma.
Waa guushoodii 3aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan ay gaadhayaan, laakiin 20 daqiiqo ee u danbeeyay ciyaartii habeen hore waxaa ka soo muuqday Kaka oo dhawac ku maqnaa.
Milan ayaa isku diyaarineysa kulanka adag ee kooxda Barcelona ay la ciyaari doonaan tartanka Champions League waxana guushaani ay tahay fariin ku socota kooxda Barcelona oo barbaro gashay kulankeedii.