Hargeysa (GNA) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi (Cirro) ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI laga faafiyey bara-bogaando khaldan ah oo ku saaban Dhismaha waddada Ceerigaabo.
Xukuumadda iyo Dadka ka difaaca Eedeymaha Mucaaridku u soo jeediyaan, ayaa labada Xisbi Mucaarid ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan dhismaha waddooyinka, khaasatan jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco dadka qaar Ololaha dawladdu ugu jirto dareemo kala duwan uga baxeen.
Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisuba ay hormood ka yihiin ka qayb qaadashada Horumarka dalka, waxaanu sidaasi ka sheegay furitaanka munaasibad qaadhaan loogu ururinayey Maktamada Qaranka oo dhawaan la furay,taasoo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
“ Sidaa ka war qabtaan laba Koofiyadood ayaan sitaa midbaana Xisbi ah, waxaan jecelahay inaan shacbiga reer Somaliland u cadeeyo in Xisbiga WADDANI uu hormood ka yahay kaalin kasta oo waddanka horumarkiisa ah, Waddada Ceerigaabo qoladii ugu horaysay ee qaadhaan bixisa ayaanu ahayn, waxaana gacantiisa ka bixiyey nin Cabdilaahi Axmed la yidhaado, laakiin baryahan dambe waxaan arkayey Guul wadayn badan, Xukuumaduhuna way iska jecelyihiin guul wadaynta, waxa ay faafinayeen dacaayado badan oo la lahaa Waddani wuxuu ka soo hor jeedaa Horumarka, wuxuu ka soo hor jeedaa waddada Ceerigaabo.”
Gudoomiye Cirro ayaa intaas ku daray “ waddada Ceerigaabana bilowgeedii waanu ka qayb qaadanay waxaanan rumays nahay dadkii Lacagta bixinayey ee Ceerigaabo, ee Adhiga bixinayey, Hablihii dahabka bixinayey intooda badani Waddani ayey ahaayeen, xitaa qoladii Geela bixinaysay, markaasta waxaanu diyaar u nahay haddii ay Library tahay iyo haddii ay waddo tahayba inaanu ka qayb qaadano, waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan Taageerayaashayadu inay waddada iyo Libraryga iyo waxkasta oo Somaliland horumarkeeda ah inay ka qayb qaataan.”
Geesta kalena Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Munaasibada Qaadhaanka loogu ururinayey Public Library-ga guud ee Somaliland kaga dhawaaqay Lacag Sadex kun oo dollar ah ($3000) oo uu kaga qayb qaadanayo dhaqaalaha lagu dhisi doono Maktabadda.
Xisbiga Waddani ayaa Taageerayaashiisu ku badanyihiin Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceerigaabo iyo deegaamada kale ee Galbeedka gobolka, taas ayaana Guddoomiyuhu sida muuqata malihiisa ku ladhayaa.
Balse Xubno ka tirsan xukuumadda oo waliba qaarkood ku jiraan Golaha Wasiirrada ayaa Xisbiyadda Mucaaridka ah iyagoon kala reebin ku sawiray Xaasidiin ka soo horjeeda horumarinta danta umadda iyo qaadhaan u uruurinta Jidkaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com