Friday, November 1, 2013

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Sheegay in la dhamaystiray Siyaasadda Maamul Daadejinta: Dhegeyso


Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in la dhamaystiray dejinta siyaasadda Maamul daadejinta ee dawladda, taasoo ay ku shaqaynayaan dawladdaha hoose ee dalku.




Qorshaha maamul Daadejinta Dawliga ah GPLG‏, ayaa ah mid ay gacan ka geysanayaan Qaadhaan bixiyayaasha Caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay, waxaana fulinaya dawladdaha hoose iyo dhawr Hay’addood oo dawli ah oo ay hawl-wadaag ku yihiin.




Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in Maanta oo Khamiis ah shir ka dhacay Aqalka madaxtooyada lagu soo gunaanaday daraasad ku saabsan qaabka lagu hir gelinayo Mashruucaasi, waxaanu intaasi raaciyay in dhawaan la horkeeni doono Golaha wasiiradda qaabka loo dejiyay siyaasadda Maamul daadejinta.




“Golaha wasiiradda ayaa laga ansixin doonaa Siyaasadda maamul daadejinta oo shirkan Maanta dhacay lagu soo gunaanaday daraaseyn lagu sameynayay”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo watbaahinta la hadlay.