Thursday, October 17, 2013

Ismaaciil C. Geelle: kuwa Dhiiga Islaamka Xalaashaday Hanjabaaddooda ha u sheegan ciday Somaliya ka Xigaan”


Djabouti(GNA)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inay Ciidamada dalka Somaliya ka joogaa ay halkaasi ku sii sugnaan doonaan ilaa inta dalkaas cagaihiisa ku istaagayo.




Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidan ku sheegay Khudbad uu shalay ka jeediyay Munaasabada Ciidul Adxada.
"Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasheena jooga Soomaaliya ee dadaalka ku bixinaya taageerada walaalahooda, inta itaal keena waa sii wadi doonaan inaan tababarno, oo aan xoojino nabada"ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo intaa ku daray inay ammaan ku muteystay howsha ay Ciidamadiisa ka hayaan Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inaanay dhag jalaq u siin doonin hanjabaadaha uga imaanaya ururka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in kuwa hanjabayaan aanay Al-shabaab ahayn "Hadaladooda iyo Hanjabaadaha ka imaanaya kuwa xalaaleystay dhiiga Islaamka ha u sheegaan kuwa ay dalka ka xigaan"ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.




Hadalka Ismaaciil Cumar Geelle ayaa daba socda Hanjabaad dhawaan Ururka Al-shabaab ku siiyay dalalka Somaliya Ciidamadu ka joogaan inay iskaga baxaan dalka hadii kale cawaaqib xumo ay kala kulmi doonaan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com