Wednesday, October 23, 2013

SL: Madaxweynaha iyo Xisbiga Waddani oo Dhambaalo tacsi ah ka soo saaray Geerida Marxuum Banfas


Hargeysa(GNA)-Waxa iska soo daba dhacaya Dhamaaladda tacsida ee loo dirayo Marxuum, Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.




Marxuum Cali Banfas ayaa ka mid ahaa Hal-abuurada waaweyn ee sida dadka afka somaaliga ku hadla,khaasatan Somaliland.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa dhamaal Tacsi ah oo uu saaray goor sii horaysay shacbiga iyo qaranka ka tacsiyadeeyay Geerida Marxuumka.




“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa 22.10.2013 laguna aasay”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada.




Waxaanu isagoo madaxweynuhu qoraalkiisa sii wata intaasi raaciyay “Madaxweynuhu waxa kale oo uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Abwaanku.




Madaxweynuhu wuxuu MARXUUMKA ku tilmaamay Abwaan qaran oo ka baxay bulshada ku hadasha afka soomaaliga, waxaanu ahaa Halgamaa magac iyo taariikh ku dhex lahaa bulshada Somaliland isagoo door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ILLAAHAY-na waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bah-Weynta Suugaanta, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




Dhinaca kale, xisbiga Waddani, ayaa dhamaal tacsi ah oo kan la mid ah soo saaray, waxaana lagu yidhi “Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), dhamaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii iyo shacab weynaha Somaliland gaar ahaan hal-abuurka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.




Waxaannu Eebe uga baryayna innu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas), dhamaan qoyskiisii iyo qaraabadi uu  ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Somaliland gaar ahaan Hal-abuurka Somaliland.




Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) wuxuu ahaa halyey taariikhda Somaliland baal dahab ah kaga qoran, wuxuu ahaa rukun adag oo ka baxay umadda Somaliland.




Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.




 Md . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)




Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI.