Monday, October 21, 2013

Calanwade Bambaanooyinka Qiica Lagu Dhuftay Kulankii Ay Spurs Ka Badisay Aston Villa.


Calanwade ayaa lagu dhuftay bambaanooyinka qiica oo ay garoonka ku soo tuureen taageerayaasha Tottenham iyagoo u dabaaldegayay gool uu hogaanka ugu dhiibay Andros Townsend kulankii ay ka badiyeen Aston Villa.




Bomkan qiica ayaa laga soo tuuray dhanka ay fadhiyeen taageerarayaasha martida ahaa waxaana uu dusha  kaga dhacay calanwade David Bryan.




Boliiska garoonka ayaa u muuqday inay qof ka saarayeen taribuunka ka dib dhacdadaan. Waxaana ay u badan tahay in garsoore Phil Dowd uu dhacdadaan ku soo darsan doono warbixintiisa ciyaarta.




Xidhiidhka kubada cagta Ingariiska iyo Premier League oo digniino ka soo saarta isticmaalka bambaanooyinka qiica aayna u badan tahay inay arintaan baadhi doonaan.




Waxaa inta badan loo tababaraa arintaan boliis wata aay wax uriya oo taageerayaasha marka ay garoonka soo galay ka qaada buleer, bambaanooyinka qiica iyo wax la mid ah.




Spurs ayaana kulankii shalay ku badisay 2-0 iyada oo goolka labaad uga mahadcelineysa Roberto Soldado kaasoo u saxeexay qeybtii labaad




Waxaana ay natiijadan ka dhigeysaa in Tottenham ay soo kaalinta shanaad iyaga oo leh 16 dhibcood oo ay la wadaagaan kooxda kaalinta afaraad ee Manchester City