Iyada oo ay 65 daqiiqo ay ciyaarta ku hogaamineysay 2-0 Juventus ayaa hadana ciyaar la jecleysto ay kooxda Fiorentina soo bandhigtay taasi aan guul ka gaadhin Bianconeri tan iyo 1998.
Si kastaba, Giuseppe Rossi ayaa soo bandhigay ciyaartiisii ugu fiicneyd xilli ciyaareedkan bilawga ah isaga oo "Sadaxleey" ku dhaliyay muddo 15 daqiiqo ah taasi oo xaqiijisay guusha wiilasha Macalin Vincenzo Montella.
Waa sheeko caajaa’ib badan in 26 jirkan uu dhigo wacdaraha sidan u weyn, kaasi oo ka soo laabtay dhibaatooyin heystay labo xilli ciyaareed.
Simone Gambino oo ka tirsan Goal.com ayaa sheegay in Giuseppe Rossi uu wacdaro dhigay kaasi oo aahaa midkii ugu fiicnaa ee la sameeyo xilli ciyaareedkan.
Sidaasi darted Goal ayaa siisay Giuseppe Rossi laacibka Isbuuca ee u fiican Aduunka, waxana uu kasara maray Zlatan Ibrahimovic oo dhaliyay mid kamid ah goolashii ugu quruxda badnaa kubada cagta
Gobanimonews.com