Burco(GNA)-Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal ee Gobolka Togdheer ayaa maanta shir jaaraa'id oo ay ku qabteen Hotel Deero ee Magaalada Burco ku taageeray dhismaha wadooyinka ay ka mid Tahay wadada Ceerigaabo.
sidoo kalena waxay kaga jawaabeen dhaliilaha ay Xukuumada u jeediyaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta Madasha wada tashiga.
shirkan jaraa'id oo ay qabteen Madaxda Sooyaal ee Gobolka Togdheer waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Sooyaal ee Gobolka Togdheer Jaamac shawr Cilmi.
waxaanu yidhi''waxaanu leenahay waftigii wadada ceeri gaabo aad baanu u hambalyay dadwaynahana waxaan leenahay haka faa,iidaystaan oo ha taageeraan,Qolada Mucaaradka ah w axaan leeyahay Geedigu markuu Guurayo waxaa ka hadha xoolo wad ah kuwaasna waa laga samraa oo mucaaradka laga dhaqaaqaa oo aan dib loosii eegin,horaynu u soconaynaa maanta balan keenu waxa weeye in hore loo socdo,Qoladan toosinta ee dhegawayne waxaan leeyahay,wax yeeladii aad dalka u gayasateen wax danbe hawgu darina,waxaan leeyahay ibraahin xorayntii uu berbere ee uu sheegay dib hawga jawaabo oo hadii uu ka dacayna dib hawga Noqdo hadii kalena oo uu badheeedhsanaana mar labaad dadka hawgu celiyo.
Gudoomiye ku xigeenka Jimciyada Sooyaal Muj: Faarax Gacan oo shirkaasi Jaraa'id ka hadlaya ayaa isna sheegay''qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa xalay ka hadlaayay Gudidii diiwaan galinta oo uu madaxwaynuhu u kordhiyay waxaan leeyahay waa qof muwaadin ah oo shaqo loo kordhiyay wax dhib a oo ku jirtaa waydinkii shaqo la'aanta seegayay e,waxaana loo baahanyahay qof kastoo muwaadin ahi in wax qabadka lagu farxo oo la taageero.
Afhayeenka Jimciyada sooyaal Muj: Xays iyo Mujaahid Jaamac Bootaan ayaa iyaguna si wada jir ah u taageeray wadooyinka ay ka mid yihiin wadada Ceerigaabo, ta oodwayne iyo hargaysa iyo berbera isku xidha waxanay ku sifeeyeen inay tahay horu mar ay Xukuumadu ku talaabsatay.iyagoo ku hambalyeeyay wasiirka Madaxtooyada Somaliland,waxaanay sheegeen in ay xukuumada iyagu doorteen oo aanay cid aan umadu dooran aanay taladiisa waxba ka waydiinayn.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com