Saturday, October 19, 2013

Qaar ka tirsan Muslimiinta dalka Ingiriiska Oo loo hanjabay.


London (GNA)–Sida ay daabacday Laanta BBC da Muslimiinta dalka Ingiriiska ayaa ka digay Weeraro ay Xarakada AL-Shabaab ka gaystaan dalka Ingiriiska iyaga oo sheegay in ay Macquultahay in Dhaq Dhaqaaqa AL-Shabaab ay Weeraro argagaxiso ka fuliyaan gudaha dalka Ingiriiska.




Digniintan kasoo baxday dadka Muslimiinta dalka Britain ayaa waxa ay imaanaysaa kadib markii Xarakada Al-Shabaab ay Video soo galiyeen mid kamid ah Baraha Internetka kaas oo lagu sheegay Magacyada dad Muslimiin ah oo Canbaareeyay Fikrada Jihaadisamka iyo waliba falalka Aragagaxisadda.




Filimka oo la sheegay in uu soconayay Mudo ku dhawaad saacad ah ayaa waxa la sheegay in qof aan Magaciisa la sheegin oo si fiican uga hadlaya Luuqada Englishka uu si wayn u amaanay Falalka Islaamiga ah iyo waliba Mabda’a Jihaadiisamka.




Filimka ayaa waxa la sheegay in lagu xusay rag la bartilmaameedsan doono oo uu kamid yahay Maxamada Ansar oo la sheegay in uu yahay bare diinta Islaamka ah sida ay warbixintu sheegayso.




Mid kamid ah Imaamyada Masaajidka dalka Ingiriiska oo lagu Magacaabo Ajmal Masruur ayaa sheegay in uusan si xoriyad ah ugu dhax socon karin dalka Ingiriiska kadib markii Filimkaasi lagu xusay Magaciisa uuna kamid yahay Shaqsiyaadka loo hanjabay.




Mr. Masruur ayaa sheegay in uu si wadi doona kasoo horjeesadka Falalka Argagaxiso iyo Xagjirnimada.




Diyaariye.Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com