Tuesday, October 22, 2013

Xaalada Caafimaad ee Maxamed M. Timo-cadde oo ka soo raynaysa, ka dib dhaawac loo geystay


Muqdisho(GNA)-Xaalada Caafimaad ee Wariye Maxamed Maxamuud timo cadde ayaa ka soo reynaysa, ka dib qaliin saacado badan qaatay oo lagu sameeyay.




Saaka arroornimadii hore abaaro 7:30 ayaa dablay hubaysani rasaas ku furtay wariyeha, xili uu shaqo maalmeedkiisa ku sii jeeday.




In ka badan afar xabadood ayaa lagaga dhuftay Caloosha, Madaxa iyo Meelo kale oo Jidhkiisa ka mid ah.




Maxamed Maxamuud Timo-cadde ayaa lagu Daaweynayaa Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo loola cararay markii la dhaawacay.




Dilalka wariyeyaasha Somalida loogu geysto Magaalada Muqdisho, ayaan ahayn wax cusub, waxana labadii sanadood ee ugu dambeeyay lagu waxyeeleeyay in ka badan 30 Suxufi oo qaarkood oo la dhaawacay qaarna la la khaarajiyay.




Sida uu sheegay Madaxa Telefiishanka Universal ee Somaliya, wariyahan ayaan muddooyinkan dambe soo saarin wax war ah ama warbixino xaasaasiyad huwan oo lagu tuhmi karo in weerarka loogu geystay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com