GNA Sida uu shaaciyay gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Boorame Suleymaan Xasan Xaddi ay xidheen in ka badan 60 qof oo dhallinyaro ah oo rabshado ka sameeyay gudaha degmadasi boorama.
Suleymaan Xasan Xaddi guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhallinyaradu sameynaysay rabshado iyo dagaallo dhexdooda ah oo ay isku adeegsanayeen seefo, isla markaana ay dhibaato u geysteen goobo ganacsi oo Boorame ku yaalla iyaga oo amaanka magalada qal qal galiyay.
Isago sii wata hadalkiisa ayaa suleymaan Xasan Xaddi ayaa xusay inay baadhitaan ku wadaan ciddii ka dambeysay rabshadaha, taa soo haddii la soo qabto uu sheegay in sharciga la hor geyn doono.
Ugu danbeeyntii wuxuu u soo jeediyay waalidiinta inay ka war-qabaan carruurtooda, ayna ka qeyb qaataan degenaashaha iyo nabadda.gobolka Awdal
Gobanimonews_Disck