Friday, October 3, 2014

Turkiga oo ku dhawaaqay inuu Weerar ku qaadayo Dawladda Islaamiga ah ee Daacish

[caption id="attachment_99353" align="alignleft" width="300"]Baarlamanka Turkiga oo cod ku ansixiyey mooshinka weerarka Baarlamanka Turkiga oo cod ku ansixiyey mooshinka weerarka[/caption]

Ankara(GNA)-Baarlamanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin dawladda u ogolaanaya inay ka qayb qaadato duulaanka ka dhanka ah Dawladda Islaamiga ah ee Daacish ee Ciraaq iyo Syria, Khamiistii shalay.

Sharciga cusub ee Baarlamanku meel mariyay, ayaa Turkiga u fasaxaya inay saldhigyo ka samaystaan  isbahaysiga Maraykanku hogaaminayo ee haatan gulufka kula jira Maleeshiyaad ISIS ee gudaha dalka Syria.

Dawladda Turkiga ayaa culays badani ka soo waajahay qaxoontiga ka soo qaxay Syria iyo Ciraaq ee dagaalada ka soo cararay, iyadoo ay todobaadyadii u dambeeyay xuduudka dalkaasi la leeyahay Syria ay soo gaadheen in ka badan 160.000 qaxoonti ah, kuwaasoo soo gaadhay Gobolka Waqooyiga ku yaalla ee ay Falaagada Kurdiyiintu maamusho.

Sharciga Baarlamanku ansixiyay oo ay qaadaceen Xubnaha baarlamanka ugu jira asxaabta mucaaridku wuxuu kale oo ogolaanayaa inay Dagaalyahanada Kurdiyiinta Ciraaq gudaha dalka Turkiga ku yeeshaan saldhigyo faadhumaysi dagaal ah.

Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin wax kasta oo lagu tir-tirayo Kooxaha Mayalka adag ee ISIL.

Recap Dayyip Erdagon waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Daacish halis ku tahay ammaanka nabad-gelyada iyo degenaanshiyaha Dunida.

Aqalka cad ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada ay baarlamanka Turkigu qaadeen , waxaana aqalka cadi arrintan ku tilmaamay go’aan wanaagsan ooh ore loo qaaday.

Laakiinse, si kastaba ha ahaatee dawladda Turkigu wali si cad umay tilmaamin doorka ay ka qaadanayso dagaalka lagula jiro ISIL iyo bar bilowga istaraatijiyaddeed ee ku aadan xiisada ka aloosan Mandaqada ku xeeran.

Kooxda ISIS ayaa bishii August sii daysay in ka badan 44 La hayste oo u dhashay Turkiga, kuwaasoo ay Dagaalyahano ka tirsan shabakada Al-qaacida ku haysteen Magaalada Mousal  ee ay Dawladda Ciraaq ka qabsadeen.