Friday, October 3, 2014

Naasir Gargaar oo xarunta agoomaha Hargeysa ku wareejiyay Deeq ka timi Shirkadda Al-nuur

Shirkadda Alnuur oo sanadkii Lixaad oo xidhiidh ah ka farxisay xilliga Carruurta aan waalidkood la noolayn...hoos ka Daawo sawiro


gargarHargeysa (GNA)- Shirkadda Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ee AL-NUUR FURNITURE, ayaa maanta ku warejisay Maamulka Xarunta Agoomaha ee Hargeysa Dharka Ciidda oo shirkaddu ugu talo-gashay in ka badan 419 Carruur ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho Agoon ah oo Xaruntaas lagu xannaaneeyo.


Deeqdan oo isugu jira Dharka Carruurta oo mid kasta oo ka mid ah, Gabdho iyo Wiilal-ba, Maryaha kol-xidhadka ah iyo kabaha ay ku ciidayaan la socdaan iyo agabka carruurta ku ciyaarto, ayaa waxa munaasibad ku kala guddoomay Wakiilka shirkada ee Arrimaha Taakulooyinka iyo madaxa xarunta agoomaha.


Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo ah Wakiilka shirkadda Alnuur oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin deeqda ay ku wareejiyeen xarunta agoomaha Hargeysa oo shirkadda Al-Nuur sannad kasta sidan oo kale ay uga farxiso carruurta ku jirta Xarunta, waxaanu shirkadaha kale ee dalka ugu baaqay inay Al-nuur Furniture kaga daydaan tallaabada ay hormoodka ugu noqotay taakulaynta ubadka aan waalidkooda la noolayn ee xarunta lagu xannaaneeyo.


“Waxaan halkan ku wareejinayaa agaasimaha Xarunta agoomaha deeq gaaadhaysa ilaa 420 Carruur ah Agabkoodii Ciidda oo dhamays tiran, haday tahay dharkii, Kabihii iyo Qalabkii kale ee carruurtu ku ciyaarto. Waxaanu ugu talo galnay inaanu xasuusin.” ayuu yidhi Naasir Gargaar, waxaanu intaas raaciyay in Deeqdani illaa Sharabaaddada ay kabaha u xidhanayaan Carruurtu ay ku jiraan.


waxaanu xusay in Carruurta Agoomaha ah ee aadka u yar-yar ay qalabka ay ku Ciidayaan maalinta Ciidul-Odxada u diyaariyeen oo ay Shirkad ahaan ka bixin doonaan. Waxa uu Naasir-Gargaar ugu baaqay Ganacsatada reer Somaliland inay dareen naxariis leh u muujiyaan Ubadka lagu hayo Xarunta Agoomaha Hargeysa oo ay waxay ku tari karaan ku taraan, isla markaana isaga xil-saaraan sida ay Shirkadda AL-NUUR isaga xil-saarto oo kale.


Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib oo Deeqda shirkadda Al-Nuur guddoontay, ayaa maamulka shirkadda Al-Nuur uga mahad-celisay masuuliyadda uu iska saaro taakuleynta Carruurta ku jirto xarunta oo ay sheegtay inuu xil iska saaro munaasibad kasta oo Ciid ah farxad-gelinta ubadka.


Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadda Dharka, Kabaha iyo guud ahaanba agabka kale ee ay ku ciiddaan carruurta ku jirta xarunta Agoomaha Hargeysa.


Waxaanay Deeqdani noqonaysaa sannadkii 6aad ee isku xiga ee shirkaddu sidan oo uga farxiso ubadka aan waalidkood la noolayn ee ku jirta xaruntaas, sida uu noo sheegay Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo deeqda ku wareejiyey maamulka Xaruntu..


GARGARAA

Gobanimonews


Hargeysa Office


Email: editor@gobanimonews.com