Thursday, October 2, 2014

Bilayska Burco oo gacanta ku dhigay Ambulance Dawladdu leedahay oo la xaday

DuruqsiBurco(GNA)-Ciidanka Ammaanka ee Magaalada Burco ayaa gacanta ku dhigay Gaadhi Ambulance ah oo ay leedahay degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, kaasoo muddo laba todobaad ka badan  la la’aa meel uu jaan iyo cidhib dhigay, lana raadinayay.

Gaadhigan oo ay dhawaan Hay’adda Midair ku caawisay Degmadaas, isla markaana dadka ku bokooda meelaha ka baxsan Magaalada loogu soo qaadi jiray goobaha addeegyada caafimaadka ee degmada ama magaalada Burco, ayaa bilaysku ku qabteen isagoo ku xaraysan Guri dayr ah oo ku yaalla Xaafada Jarmalka ee Magaalada Burco.

Saraakiisha ka tirsan Bilayska ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay Wadihii gaadhigaas waday oo isla guriga gaadhigu ku xareysnaa lagu qabtay.

Waxa la sheegay in Darawalku gaadhigan si ula kac ah ugu qariyay Guriga lagu qabtay, isla markaana uu in muddo ahba gaadhiga kala soo maqnaa deegaanka uu ka shaqaynayay. “toban cisho ayaa ka soo wareegtay markii aanu gaadhiga ka waynay degmada, balse waxa naloo sheegay inuu labaataneeyo maalmood maqnaa” sidaasi waxa gobanimonews u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta nabad-gelyada ee Degmada Duruqsi oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Dhinaca kale, tibaaxo aanu ka helnay dhacdadan, ayaa sheegaya in Gaadhigan Ambulance ka ah  Khamri lagu soo gelin jiray Magaalada, khamrigaasoo lagaga soo qaadi jiray Magaalada Wajaale, kaddibna ilaa burco lagu geyn jiray.

Saraakiisha Bilayska ee baadhaysa Kiiska Gaadhigan la qabtay, ayaa la soo xigtay in Darawalka Gaadhiga waday uu Kaantaroolada ku dhaafi jiray inuu gurmad caafimaad u socdo.

Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Ciidanka Bilaysku baadhayaan Kiiskan, arrintuna haatan gaadhay heer maamul Gobol.

Gobanimonews

Burco Office

Email: editor@gobanimonews.com