Melbourne(GNA)-Dawladda Australia, ayaa xayirtay xawaaladaha Lacagta u dira Dalalka ay qul-qulatooyinka amni daro ka jiraan ee Carabta iyo Afrika.
Talaabadan ayaa qayb ka noqotay qorshaha ay kula dagaalamayso Dawladda Islaamiga ah ee Daacish, kaddib markii ku dhawaad laba boqol oo qof oo haysta Dhalashada dalkaasi ku biireen daacish bilihii la soo dhaafay.
Baarlamanka Australia, ayaa todobaadkii hore ansixiyay Sharci lagu joojinayo inay Bangiyada dalkaasi lacagaha u diraan Xawaaladaha dalalka ay ka dagaalamaan Kooxa Jihaad doonka ah ee ISIS iyo Al-qaacida.
Sharcigan cusub ayaa ka dambeeyay, kaddib markii la ogaaday inuu qof ka mid ah dadka reer Australia, uu lacag ka badan $12000, u diray Kooxda ISIS ee Dalka Syria fadhigeedu uu yahay iyo dalal kale oo ay Kooxo Argagixiso ahi ka dagaalamaan, taasoo shaki badan dhalisay.
Xawaaladaha ay Bangiyadu ka joojiyeen lacag dirista waxa ka mid ah kuwa ay Soomaalidu leedahay ee dalkaasi ku yaalla, taasoo caqabad ku noqotay Dadka Soomalida ah ee eheladdooda biilasha uga soo dira dalkaas.
Ku dhawaad Sodon kun oo Soomali ah ayaa ku nool dalka Australia, kuwaasoo si weyn uga biyo diiday talaabada ay Melbourne Bangiyaddeedu ku joojiyeen lacag dirista.
Boqolaal Soomaali ah oo arrintan ka cadhaysan, ayaa Jimcihii xalay isugu soo baxay Magaalada caasimada ah, kuwaasoo muujiyay dareenka ay kaga soo horjeedaan sharciga cusub ee ay waajahayaan.
Dibad baxa Dadka soomaalida ah waxa ka horeeyay kulan ay hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalkaasi la yeesheen isla todobaadkii hore Madaxda Dawladda Australia, kaasoo ay saraakiisha dawladd kaga dalbadeen muslimiinta inay ubadkooda ka waaniyaan inaanay ku biirin Kooxaha xag-jirka ah.
Kulan ay Jimcihii isugu yimaadeen Magaalada Malabo Muslimiinta oo ay ku jiraan Soomalidu, ayaa lagu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo, dawladda u gudbiya cabashada sharciga ay Bangiyada dalkaasi ku joojiyeen lacag dirista.
“qoysas badan oo Soomaali ah ayaa Biilashii qoysaskooda sii qadimay wakhti hore si aanay arrintani caqabad ugu noqon, laakiinse hadii uu sii shaqeeyo go’aankani saameyn inteeda le’eeg ayuu ku yeelanayaa Muslimiinta”ayuu VOA-da u sheegay Wariye Ibraahim Baafo oo ku sugan Magaalada Australia.
Australia, ayaa horey ugu dirtey dalka Imaaraadka Carabta ilaa 400 oo ciidamadeeda cirka ah, laba boqol oo ciidamada gaarka ah iyo 11 diyaaradood, kuwaas oo u diyaargaroobaya hawlgalo milateri oo laga fulin doono Ciraaq.
Dowladda ayaa sheegtay in qiyaastii 160 ruux oo reer Australia ah ay ka barbar dagaalamayaan amaba ay taageero u fidinayaan kooxda ISIS oo dawlad Islaami ah iskeeda kaga dhawaaqdey qeybo ka tirsan Ciraaq iyo Syria.
Waxa kale oo bishii la soo dhaafay, Bilayska dalkaasi toogasho ku dileen Wiil u dhashay dalka Pakistan oo la qabtay isagoo Calanka ISIS kula dhex wareegaya Magaalada Caasimada ah.
Ninkaas ayaa intii aanay boolisku toogan waxa uu tooray ku dhaawacay laba ka mid ah ciidanka oo joogay saldhig looga yeedhay, kaddib markii la ogaaday falka fikir faafinta ah ee uu wado.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com