Saturday, November 9, 2013

Xildhibaano Gaadhay Xariirad Iyo Ambaqaadka Wajiga Labaad Ee Wadahadalada Nabad Raadinta Oo Bilaabmi Doona Barito


guurti




 




 




 




 




 




 




 




Boorama-(SBN)-Wararka ka imanaya magaalada Xariirad ayaa sheegaya in degaankaasi ay geedheen gudi odayaal ah oo ka socota golaha guurtida oo degaankaasi ka waday sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqadii ka dhacday degaankaasi dhawr bilood kahor.




Shabakada oo khadka taleefanka kula xidhiidhay Gudoomiyaha Gudidaasi Xildhibaan Cumar Nuur Waaye ayaa wax ka waydiisay ilaa hada waxa u qabsoomay waxana uu yidhi “Alxamdulilaah nabad ayaan ku tagnay Xariirad, waxana aan kulano kala gaargaar ah la yeelanay odayaasha dhaqanka ee beelaha degaankaasi ee aan rabnay inaan u kala gudoono qaybtii igu horaysay ee magtii aan hore u xukunay ee labada dhinacba, waxa ay odayadu noo sheegeen inay wax walba faraqa ku haystaan, anaguna waan ku faraxnay taasi”




Xildhibaan Waaye waxa uu ka waramay sida uu xaalka Magaalada Xariirad yahay marka uu barbar dhigo xaalkii ay dhawr bilood ka hor halkaasi ugu tageen waxana uu yidhi “Waxa u dhaxeeya farqi wayn, hadii ay Xariirad ahayd magaalo khad cagaarani uu kala qaybiyo labada beelood ee dirirsanaa, maanta ma jiro khadkaasi, dadku way is dhex galeen, ganacsigiina waxa uu u kala socdaa labada dhinacba, waxa muuqata ifafaalo nabadeed oo mudan in la sii adkeeyo, anaguna waxa aan ku dadaalaynaa inaan arintaasi badhi taageerka nabada ka midho dhalino oo aan beelaha degaanka Xariirad ka dhigno kuwo walaalo ah




Gobanimo news.com




Borama office/somaliland