09/11/2013 Borama(GNA) Hayada IOM ayaa maanta lacago deeq ah u qaybisay 30 qof oo 26 ay haween yihiin 4na ay rag yihiin oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee deen dhismayaasha aan rasmiga ahayn ee Barakacayaasha Boorama, waxana dadkaasi barakacayaasha ah la gudoonsiiyay lacag dhan $16,500 (lix iyo toban kun oo doolar) oo qafkiiba leeyahay $550 (Shanboqol iyo konton doolar) looguna talo galay si ay ugu furtaan ganacsiyo yaryar.
Munaasabadan ka dhacday magaalada Boorama ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maamulka gobolka, kan degmada, saraakiil ka socotay hayada IOM, iyo Y-Peer, iyo dadka ka faaiidaysanayay lacagahan deeqaha ah.
Ugu horayntii ayaa waxa halkaasi ka hadlay Mudane Maxamed Dhamac oo ah Agaasimaha Fullinta ee Somaliland Y-PEER oo ah ururka mashruucan la fulinaya IOM, waxana uu yidhi “2013-ka, IOM waxay dedaalkeedii ahaa badbaadinta dadka noloshoodu halista ku jirto u bedeshay in ay sidoo kale wax ka qabato meelaha baahiyuhu ka jiraan Somaliland oo dhan iyadoo weliba ahmiyaddana siinaysa shaqo-abuurista iyadoo loo maraya hannaan lacag kooban lagu siinayo dadka barakacayaasha ah iyo bulshada ay ku dhex nool yihiin ee saboolka ah si ay ganacsi yar u furtaan. Maxamed oo ka waramay sidii dadkan loo soo xulay iyo howlihii hore ee la soo qabatay waxa dadkan waxaa hore loo siiyey tababaro la xidhiidha xirfadaha nolosha lagula soo baxayo kuwaas oo ay ka faa’iideysteen dhallinyarada iyo haweenka khatarta ugu jira in ay tahriibaan ama mukhaadaraad ku dhacaan”. Maxamed waxa uu sidoo kale goob taas ka jeediyey shuruudihii lagu heshiiyey ee dadka lacagta lagu siiyey. Ugu danbayntiina waxa uu dadkaasii ku dhiiri galiyey in wixii caqabad ah ee ka hor yimaada ay dowlda hoose ee Borama iyo Y-PEERka ay si dag dag ah ula soo xidhidhaan.

Mudane Liibaan Maxamuud Ciise oo ah sakraal ka tirsan IOM oo isaguna madasha ka hadlay ayaa yidhi “Uma sahlana dadka in ay ganacsi furtaan maadaama aanay raasamaal buuran haysan isla markaana aanay Somaliland ka jirin banigiyo ama xafiisyo dhaqaale oo ay wax ka amaahdaan. IOM iyadoo qodobkan ka duuleysa, waxay mashruuc la diyaarisay Somaliland Y-PEER si ay dadka barakacayaasha ah uga saacido in ay samaystaan meherado ay nolol-maalmeedkooda si joogto ah ugu dabaraan. IOM waxa ka go’an in ay barakacayaasha ka taageerto sidii ay u dhexgali lahaayeen uguna biiri lahaayeen qaab-nololeedka bulshada ay hadda ku dhex nool yihiin.”
Mudane Liiban waxa kale uu sheegay in Burco ay sanadkii hore mashruucan oo kale ka fuliyeen IOM iyo hafayada Y-PEER dadkii howshaas loo qabatayna ay si wacan uga soo baxeen ilaa hada aan ku faano. Libaan waxa uu sidoo kale ku dhiiri galiyey ka deeqdan helay in ay si wacan uga faa’iidaystaan
Maayarka Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, isagoo la hadlaya dadkii ka faa’iidaystayaasha ahaa ee lacagta la siinayey, wuxu kula dardaarmay “ in ay lacagtaas la siieyey ay ka ugu faa’iidaystaan lacgataas sidii loogu talo galay oo ku furaan ganacsigaas ay fikirkooda soo gudbiyeen. Salaaban waxa uu sidoo kale shaagay in lacgatani ay faa’iido u tahay dowlda hoose waayo waxay ganacsi kasta ka heli doontaa cashuur. Saleebaan waxa uu sidoo kale uu sheegay in dadka u furi donaan suuqyo cusub si suuqu ula kor ganacisga waayo dadka waxay u baahan yihin goobo ay ku ganacsadaan.
Maayar Saleebaan waxa uu u mahad naqay Dowlada Japan oo maalgalinteeda lahayd, IOM, Y-PEER dhamaan dadkii howshaas ka soo qayb qaatay.
Xildhibaan Sahra Axmed Cabdilaahi oo ah Xildhibaanada ka tirsan golaha degaanka ee Borama ayaa sidoo aad u aamantay mashruucan sheegtay in aad ugu han wayntahay ka midho dhalintiisa madaama oo ay ka faa’iidaystayaashu haween u badan yihiin hawaankana lagu yaqaano in aad uga wacan yihiin rag daryeelka qaoyskooda. Sahra ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Dowldada Hoose ee Borama ay dadkan si dhow uga war hayndoonto oo kormeer joogta ah ku samayn doonto dadkan ganacsiga loo samayn doono.
Gudoomiyaha ku xigeenka Gobalka Awadal, Mudane Cabdirahman Nuur Sugaal ayaan sidoo kale uga mahad celieyey Dowlada Japan, hayada IOM iyo ururka wadaniga ah ee Y-PEER sida wanaagsan ee mashruucan isaga kaa shadeen.
Gudoomiye Ku Xigeenka ayaa waxa kale oo uu ku amaanay ururka howshan fulinaya sida wacan ee ay dadka u soo xuleen oo aan wax mashkilada ah laga arag. Sugaal ayaa waxa kula dardaarmay ka faa’iidaystayaasha in ay ganacsigaa si wacan ku dhaqaajiyaan si ay amaan ugu noqoto Madax dowlada ee Gobolka iyo dhamaan dadka reer Borama.
Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenku in arintani ay tijaabo oo hadii aan guulaysano an IOM iyo Dhamaan Hayadaha Kaleba u soo bandhigi karno sida wixii la noo qabtay aan uga faa’iidaysanay.
Mudane Cadoosh, oo ka mid ah dadka mashruucan ka faa’iideystay lana guddoonsiiyey $550, wuxu yidhi “Abaartii 2011kii kadib waan caydhoobay, lo’dayda intii ugu badnayd way dhimatay. Ganacsi yar ayaan ku furan doonaa dhaqaalahan la siiyey, wuxuna iga caawin doonaa in aan dhidibada u taago ganacsigayga iyo wixii aan yabyabay labadii sanno ee u dambaysay”.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu lacagahaasi gudoonsiyey dadkii ka soo qayb galayaasha ahaa ee loogu talo galay waxana xusid mudan in qaadhaankan la siiyey dadkani ujeedadiisu tahay si ay ganacsiyo ay iyagu hindiseen ugu furtaan uu qayb ka yahay mashruuc lagu magacaabo o “Mashruuca taageeridda nolol-maalmeedka dadka muhaajiriinta ah iyo kuwa reer-guuraaga ah”.
Si kastaba ha ahaatee si loo hubiyo meherada dadka mashruucan ka faa’iideystay furayaan in ay guuleystaan, waxay ahayd muddo ka hor intii aan lacagta loo qaybin markii cid walba oo ka faa’iidaysanaysa la ogaysiiyay inay la yimaadaan firkad iyo qorshe gacacsi oo shaqayn kara, wixii intaasi ka dambeeyayna waxa la siiyay tababaro la xidhiidha sida ganacsiga loo xisaabiyo, loa maamulo, loo suuq geeyo, iyo sidoo kale sida loola dhaqmo macaamiisha iyo sida dhaqaalaha loo kobciyo.
Waxana mashruucaas maalgelisay xukuumadda Japan, halka ay fulintiisa iska lahayd Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM oo kaashanaysay hayada Wadaniga ah ee Y-PEER Somaliland
BY:Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama office
