Wednesday, November 6, 2013

Xidhitaanka Shirka Dib u Heshiisiinta oo Dib dhacay, Dawladda oo ka hadashay iyo Dareenka Reer Kismaayo


Muqdisho(GNA)-Dib u dhac ayaa ku yimi xidhitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo maanta gelinkii dambe la filayay.




Inkasta oo la hadal hayo Khilaaf inuu baajiyay xidhitaanka shirkaasi, hadana wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliya oo ka hadlay ayaa tilmaamay inuu arrimo farsamo awgood shirku u soo xidhmi waayay.




C/shakuur oo ka mid ah xubnaha Gudidda Dawladda ee shirkaasi u xilsaaran ayaa ayaa sheegay in wufuud caalami ah oo ka qeyb geli laheyd xaflada ay qaarkood dib u dhaceen, isla markaana aanay wali soo gaarin magaalada Muqdisho.




"Dib u dhaca shirka waa arrimo farsamo awgeed, maalinta berri ayaa la qabanayaa xaflada lagu soo xirayo shirkan, waayo wufuud caalami ah oo la filayay inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay xaflada uga qeyb galeen ayaa dib u dhacay"ayuu yiri Wasiir C/shakuur.




Wasiir kuxigeenka warfaafinta ayaa sheegay in maalinta berri ay magaalada Muqdisho imaan doonaan wefti ka socda wasiirada arrimaha dibada IGAD oo ay ka mid tahay Wasiirada Arrimaha dibada Kenya Ms Aamino Maxamed.




Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ayaa waxaa ergooyinka ka qeyb galay ay kaga doodeen dib u heshiisiinta, arrimaha amniga, maamul wanaaga  iyo qodobo kale, waxaana maalinta berri la filayaa in lagu dhawaaqo war murtiyeedka shirka laga soo saaro.




Waxa jira Beelo iyo siyaasiyiin tiro badan oo qaadacsan shirkaasi, kana soo digaya inaanay aqoonsanayn natiijo kasta oo ka soo baxda.




Waxa ka mid ah deegaanada sida wayn looga diidanyahay Gobolka Bay, iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo kale oo ka socda Muqdisho oo looga soo horjeedo.




Si kastaba ha ahaatee Bulshada ku dhaqan Goboladda Jubboyinka oo shirkani si toos ah u khuseeyo Masiirkooda ayaa si weyn ugu dhegtaagaya natiijada ka soo bixi doonta iyo habka uu u socdo, waxaanay badankoodu farta wadnaha ku hayaan in natiijo mustaqbalkooda u wanaagsani ka soo baxdo iyo in kale.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com