Wednesday, November 6, 2013

Roobab ka da’ay Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxiil oo sababay Dhimashada 1 qof iyo Khasaare kale + rayska Hargeysa


Mandheera(GNA)-Roobab Mahiigaan ah oo labadii Maalmood ee ugu dambeeyay ka dayay deegaano ka mid ah Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, ayaa sababay khasaare dhimasho dad, duunyo iyo deegaanba isugu jira.




Hal qof oo nin ah ayaa ku dhintay ilaa hada inta la ogyahay, kaasoo Daad ku qaaday Deegaanka Godley oo hilaadii 5KM dhinaca Galbeed kaga began Tuulada Abdaal oo degmadaasi hoos tagta, waxaana marxuumkaasi magaciisa lagu sheegay Cabdi Cilmi (Xoor), sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Dad deegaankaasi ku sugan.




Roobkan oo gelinkii dambe ee Maanta ilaa shalay halkaasi ka da’yay ayaa sidoo kale qaaday Xoolo nool oo aan tiradooda la cayimin, ilaa 35 Beerood oo kuwa wax soosaarka ahna kala tegay Mishiinadii iyo qalabkii lagu waraabinayay, kana aasay Ceelashii biyaha, sida u sheegay Axmed Jaamac Yoonis oo ka  ka mid ah Bulshada deegaanka.




“Roobabkani waxay da’yeen labadii maalmood ee ugu dambeeyay, waxaana maanta da’y roob lagu qiyaasi karo midkii ugu baaxada weynaa, waxaana ka dhashay khasaare Ninkaa dhintay ah iyo mid duunyo isugu jira”ayuu yidhi Mr Yoonis oo Gobanimonews  la hadlay.




Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Mandheera Yaasiin Dhamac oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii Mobile-kiisa gacanta oo aanu ka wacnay dansanaa xiligaasi.




Waxyeeladda Roobabka ka dhalata ayaa ah mid inta badan soo noqnoqata, khaasatan khasaaraha uu gaadhsiiyo Beeraha, ayaa ah masiibo sanad walba haleesha Dadka ku foogan beerashada Dalaga kala duwan ee wax soo saarka ku tabaniyaya.




Dhinaca kale, waxa Magaalada Hargeysa Maanta ka da’ay Roob mahiigaan ah oo abaaro 2:00 Duhurnimo ilaa Caawa sideedii habeenimo  si teel ah u dayay,roobkaasoo si wanaagsan magaalada u biyo dhigay, gaar ahaana dhinaca Bariga.




Ma jiro ilaa hada wax khasaare ah oo Roobka Hargeysa ka da’yay keenay, inkasta oo nadaafad darada Magaalada ka jirta ee Qashinka iyo meelaha biyo mareenada ahi saameynteeda leedahay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com