Muqdisho, 12 November 2013 –(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ugu baaqay dhammaan kooxaha dagaalamy inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay dagaalada joojiyo oo uu ciidamo kala dhexdhigay. Sidoo kale ciidanka Xoogga waxuu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo celiyey guryahoodii.
“Dadkii barakacay ee dagaalada saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu.
“Dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo Collaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin kara dagaalada.”
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula shaqeeyey dowladda, waxaana rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada noolaadaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo iyagana dowladda ka saacidaya dhanka tasiilaadka.