Nairobi(GNA)-Afhayeen u hadlay Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ayaa Khamiistii Doraad shaaca ka qaaday inay Qaramada Midoobay dhimayso 20% ka mid ah Raashinka ay siiso Qaxoontiga ku jira Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab, Kaakuma iyo Xagar dheer ee Kenya.
Arrintan ayaa ka dambeysay Dhaqaale la’aan soo waajahday, ka dib markii ay Hay’addu wayday qayb ka mid ah lacagtii ay ugu talo gashay inay ku hawl-gasho sanadkan “WFP way dhimaysaa 20% ka mid ah Raashinka ay siiso qaxoontiga Xeryaha ku jira ilaa dhamaadka sanadka, waayo naguma filna dhaqaalaha aanu haynaa inaanu sidan ku sii wadno, markaa si aanay hawshu u joogsan ilaa dhamaadka sanadkan waa inaan sidan yeelnaa”sidaasi waxa yidhi Sarkaal u hadlay WFP shalay oo Jimce ah.
Qaxoontiga somalida ah ee ku jira xeryaha qaxoontiga Kenya ayaa arrintan walaac weyn ka muujiyay, waxaanay ku tilmaameen mid kala dooransiinaysa inay dalkoodii ku noqdaan iyo in wax laga bedelo xaalada.
Dhimista Mucaamimada ayaa ka bilaabantay shalay oo Jimce ah, waxaanay soconaysaa ilaa dhamaadka sanadkan, sida ay saraakiisha WFP sheegeen.
Labada Hay’addood ee UNHCR iyo WFP, ayaa bixiya Mucaawimooyinka Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga ku jira Xeryaha Somalida ee Kenya.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com