GNA_Taliye sare oo ka tirsan dagaalyahanad Dalibaan ayaa weerar xaga cirka ah ay ku dileen ciidamada mareykanka iyaga oo adeegsanaya Diyaarada ah aan Duuliyaha laheyn .
Wasiir sare oo ka tirsan dowladda pakistan waxaa uu sheegay in weerarka dayuuradda aan duuliyaha lahayn ee la rumaysan yahay in lagu dilay hoggaamiyihii Daalibaanka reer Pakistan ay baabi'isay iskudaygii dowladda Pakistan ay ku doonaysay inay wada hadal nabadeed la yeelato mintidiinta.wasiirka arrimaha gudaha, Chaudry Nisar Ali Khan, waxaa uu sheegay in wafdi uu u duuli lahaa gobolka qabaa'ilku ka taliyaan ee woqooyiga Waziristan maanta oo Sabti ah si ay ula kulmaan hoggaamiyaha Daalibaanka reer Pakistan Xakimullah Mehsud iyo madax kaloo sar-sare oo ka mid ah mintidiint.
Qaybo ka mid ah dowlada Pakistan waxay si dhab ah uga cadhaysan yihiin in uu dhacay weerarka dayuuradda aanay cidina wadin ee loo haysto in Maraykanku qaaday uu dhacay iyada oo markaas uun la rajeynayay in wax heshiis nabadeed ah la gaadhi doono.
Ra'iisal wasaaraha, Nawaz Shariif, waxaa uu hore uga dhaadhiciyay dhammaan axsaabta siyaasadda ee waaweyn inay taageeraan qorshihiisa ah in wada xaajood lala galo dagaalyahannada Taliban ee Pakistan, si loo soo afjaro dagaalka ay Daalibaan muddada dheer dalkaas ka wadeen.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo uu ku jiro ciyaartoygii hore ee Cricket-ka Imran Khan waxay muujiyeen inay aad uga xun yihiin.
Imran Khan waxaa laga soo xigtay inuu yidhi dowladdu waa inay ka fiirsataa inay xidho waddooyinka sahaydu u marto ciidammada Nato ee jooga dalka deriska ah ee Afqanistaan.
Qaar ka tirsan Taliban iyo saraakiil xagga mukhaabaraadka ee dowladda Pakistan waxay sheegeen in aaska Xakimullah Mehsud uu ka dhici doono woqooyiga Waziristan waqti maanta ka mid ah.
Waxaa durbadiiba la sii qiyaasayaa qofka uu noqon doono hoggaamiyaha xiga ee Daalibaanka Pakistan.
Su'aasha kale ee weyni waxay tahay sida ay mintidiintu uga jawaabi doonaan weerarkan ugu dambeeyay.
Diyaariye>C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com