Hargeysa (GNA) - Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa goor dhaweyd ka badbaaday Isku Day dil oo ay la beegsadeen saddex nin oo aan haybtooda la garanaynin.
Ma jiro wax khasaare ah soo gaadhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee kulmiye, wax wararku waxa ay sheegayaan xiligaa in uu Muj-jaahidku uu ku sugnaa hudheelku yaala xaafada shacabka kaas oo lagu magacaabo Like Asal.
Tirada Ragaa hubeysnaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen ilaa 3-dabay MUJ-Maxamed Kaahin Markii markii uu ku soo baxay ninkii qoriga sitay inta uu cabeey sanayay ayaa uu ka baxsaday Taas oo lagu soo waramayaa inuu baastoolad uu sitay uu rasaas kor u riday ayeey dableydii weerarka soo qaaday ayaa halkaa ka baxsaday.
Waa falkii ugu horeeyay ee Masuul ka tirsan lagu weeraro tan iyo markii Khilaafka Siyaasaddeed ka dhex qarxay xisbiga Kulmiye.
Gobanimonews.com
Hargeysa
Desk