Hargeysa(GNA)-Saraakiil ka socda Dawladdaha daneeya Arrimaha Xuquuqal Aadamaha ee somaliland xidhiidhka la leh, ayaa dhawaan booqasho ay ku yimaadeen dalka, waxay kormeer ku sameeyeen Xabsiyada dalka iyo sal-dhig bilaysyada dadka xukun sugeyaasha ah lagu sii hayo.
Saraakiishan oo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo wadamo kale oo Yurub ka mid ah, ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay xogogaal u noqoshada dadka ku xidhan xabsiyada dalka iyo jiritaanka musuqmaasuqa inta badan Hay’adaha Garsoorka lagu eedeeyo.
Sidoo kale waxay booqdeen xabsiyada lagu xidho dadka loo haysto arrimaha Budhcadbadeednimada, waxaana weftiga xubno ka ahaa saraakiil ka socda hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Dambiyada iyo Mukhaadaraadka ee UNODC.
Weftigan oo uu dalka ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa booqday tiro ka mid ah xabsiyada waaweyn ee Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin Jeelasha mandheera, Hargeysa, Burco iyo Berbera.
Waxay booqdeen dad muddo dheer xabsiyadaasi ku xidhnaa kuwaasoo ay ka xogwareysteen xaaladahooda iyo hanaanka cadaaladdeed ee loo maray xukunada lagu xabisay , sidoo kale waxay u kuur galeen tayada Hay’adaha Garsoorka iyo nidaamk ay u shaqeeyaan oo habacsanaan badani ka muuqato, marka loo eega Kalsoonida shacbigu ku qabo.
“Garsoorkii wuxuu noqday NGO-yo, oo waxaad arkaysaa qof qudha oo intaasoo Urur oo garsoorka hoos yimaada maamula iyo kuwo Hay’addaha mashaariic ugu qorta kiisas la abaabulo” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha ee Madaxbanaan oo soo dhaweeyay weftigan ka socda Reer Galbeedka.
Intii ay joogeen dalka, waxa la sheegay inay kulamo la yeesheen madaxda wasaaraddaha Cadaaladda, arrimaha gudaha iyo Guddida cadaalda iyo Madaxda Maxkamaddaha qaarkood, waxaana sida ay Gobanimonews wararka ku heshay imaanshiyahoodu daba socda eedeymo dhawaan Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde u jeediyay Hay’adaha Garsoorka.
Cali Waran-cadde ayaa Hay’adaha Garsoorka ku eedeeyay inay Maxkamadduhu Laaluush ka qaataan dadka Dambiileyaasha ah ee Bilaysku soo xidho, dabadeed ay iska sii daayaan, waxaanay dadka ku foogan arrimaha Garsoorku sheegayaan inay eeddaasi soo jeedisay Indhaha dawladdaha dalka ka taageera hawlaha Cadaaladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
“anigu Eedda wasiirka Arrimaha Gudah waxaan u arkaa inay tahay arrin sax ah oo la qarinayay, waxaanay soo jeedisay indhaha dadka daneeya cadaaladda iyo Hay’addaha Caalamiga ah, waayo wax Garsoor la yidhaahdo wali ma hayno , waxaana jira khaladaad badan oo sixid u baahan”sidaasina waxa Gobanimo u sheegay Axmed-wali oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa dadka xabsiyada ugu xidhan Cadaalad darrada oo aanu arrimahan wax ka weydiinay.
Hase ahaatee Hay’adaha Garsoorka dalka ayaa dhinac isaga leexiyay Eeddeymahan la hadal hayo ee la sheegayo inay abuureen fiir-fiirsiga hanaanka shaqo ee Garsoorka dalka, waxaanay musuqmaasuqa lagu eedeeyo isu dhaafiyeen dhinaca Bilayska oo ay sheegeen inay kow ka yihiin qaadashada Laaluushka.
Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah Dalalka Midowga Yurub ayaa somaliland ka caawiya horumarinta Hay’addaha Garsoorka iyo kuwa amniga.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com