Monday, November 18, 2013

Burco: Maxkamadda Gobolka oo Dil ku xukunntay Hal Eedeysane kuwo kalena sii deysay


Burco(GNA)-Maxkamadda Gobolka Togdheer, ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane loo haystay Dilka Nin uu dhawaan Mindi ku dilay, magaalada Burco.




Dilkan ayaa dhacay Bishan gudaheeda, waxaanay labada Nin ee midkood wax dilay ka shaqaynayeen Hudheel laga cunteeyo oo ku yaala Magaalada.




Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maxamed Jaamac Cashuur ayaa sheegay in dhegeysiga Dacwadda Kiiskan lagu so oaf-meeray muddo laba maalmood gudahood ah, isla markaana  Ddil lagu xukumay Axmed Maxamed Jaamac oo ah Gacan ku dhiiglaha.




Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in xoriyadooda loo  celiyay dhawr eedeysane oo kale oo Kiiskan loo haystay, kuwaasoo uu ka  mid ahaa Nin Dhakhtar ah oo sida la sheegay ka gaabiyay inuu badbaadiyo Marxuumka dhintay oo isagoo dhiig baxaya loogu keenay xarun caafimaad oo uu haystay.




“Kiiskaa laba cisho gudahood ayaanu ku soo gabagabeynay, waxaana lagu xukumay ninkii dilka geystay oo ay kan dhintay meel ka wada shaqaynayeen”ayuu sheegay Cashuur.




Waxaanu intaasi ku daray “ waxa kale oo la sii daayay eedeysaneyaal kale oo lagu eedeeyay inay caawin waayeen marxuumka dhintay, sida Nin dhakhtar ah iyo dhawr qof oo kale”.




Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dil ah ee muddo aad u kooban lagu soo gabagabeeyo.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com