Muqdisho(GNA)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan adag oo laysku habeensaday ay xalay ku yeesheen xarunta Villa Somalia Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.
Madaxweyne Xassan Shiikh, ayaa la sheegay inuu u soo jeediyey Saacid inuu ku dhawaaqo is-casilaad degdeg ah, maadaama xukuumaddiisu ay ku fashilantay in ay meelmariso balanqaadyadii ay horay u sameysay ee dhinaca ammaanka & maamul wanaaga.
Warar ku dhowdhow kulanka ayaa sheegay in Xassan Shiikh ku wargeliyey Saacid in ay isaga soo wajahayaan culeysyo uga imaanaya dalal dibedda ah, laguna eedeynayo dowladdiisa in howshii looga baahnaa aysan ka qaban dhanka ammaanka ah, ayna muuqato dul-duleelo dhinaca maamulka, waxaana uu tilmaamay in dhaqaalihii dowladda loo balanqaaday in lagu xiray in dowladdu horay u dhaqaaqdo, ayna soo celiso jawi ay ku milkineyso ammaanka caasimada.
R/wasaare Saacid ayaa markii uu dhageystay soo jeedinta madaxweynaha, wuxuu codsaday in la siiyo waqti uu arrintaasi kaga soo fikiro, isaga oo eedeymaha loo jeediyey sheegay in ay nidaam ahaan ay isaga ku dhacayaan, maadaama uu madax ka yahay xukuumadda, haddana in ay jiraan qaladaad badan oo ay geysteen wasiiro u badan kuwii uu madaxweynaha soo xulay, waxaana uu magacaabay qaar ka mid ah wasiiradaasi oo lagu eedeeyey musuq-maasuq & howl gudasho laáan.
Kulankan xalay dhacay ayaa ahaa mid adag oo labadda mas'uul (Madaxweyaha & R/wasaaraha) aysan waxba isula harin, waxaana xubno goob joog ka ahaa ay sheegeen in ay muuqaneyso raad cusub oo shaki & khilaaf ah inuu ka dhex qarxay labadda mas'uul.
suáasha ay dad badani isweydiinayaan ayaa ah ma is-casili doonaa Saacid.? haddiise ay dhacdo inuu ka biyo dido siddeey xaaladu noqon kartaa.?
Saraakiisha Madaxtooyada somaliya oo aanu isku daynay inaanu arintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin.
Xukuumadda Saacid Shirdoon ayaa jirtay muddo sanad iyo bilo ah, waxaanay qaaday talaabooyin badan oo dhanka diblomaasiyadda ah.
Balse waxa jira gol-daloolooyin badan oo dhanka amniga gudaha ah oo lagu eeddeynayo, taasoo ah ta hada sababtay inay labada masuul ee xukuumadda iyo dawladdu isku dhacaan.
Meelaha ugu badan ee gol-daloolada amniga ka jirto ayaa ah Goboladda Jubbooyinka iyo deegaamada ku hadhay gacanta Al-shabaab.
Reysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ahaa Nin Ganacsade ah oo aan siyaasadda waddanka saameyn badan ku lahayn.
Ka hor intaanu xilka la wareegin, dad badan ayaa isweydiinayay waxa uu ka qaban karo xaalada siyaasadeed ee uu waajahayo.
Si kastaba ha ahaatee Cabdi saacid shirdoon oo Bishii hore ka badbaaday Mooshin yeedhmo ah oo Golaha Baarlamanka ah, ayaa u muuqda inuu haatan waajahayo xaqiiqda dhabta ah ee xilka xayuubinta xukuumaddiisa.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com