Muqdisho(GNA)-Siciid Axmed Saciid (Godir) oo ah nin Soomaali ah oo dhowaan dowlada Holland ay ka soo masaafurisay dalkeeda, qasabna lagu keenay Muqdisho ayaa ka mid noqday in ka badan 20 ruux oo ku dhaawacmay qaraxii habeeno ka hor ka dhacay hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Ninkan dhalinyarada ah oo isagoo aan magaalada kala aqoonin, dadka ka garaneynin lagu soo daayey ayaa dhaawac fudud waxaa uu ka soo gaaray gacanta bidix xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxaas ka dhacay.
“Qarax iyo xabad weligey ma arkin markii Muqdisho la igu soo tuuray ayaan la kulmay, qaraxii habeen hore ayaa gacanta midig dhaawac fudud iga soo gaarsiiyey dhibaato xun ayaan la kulmay maxaa la ii keenay meeshan” ayuu intaa ku daray Wiilkan oo xusay inuu muddo 20 sano ah ku noolaa dalka Holand isagoo aad u yarna halkaas la geeyey.
Saciid oo wejigiisa ay ka muuqatay murugo fara badan ayaa sheegay inuu ku jahwareeray Muqdisho lana qabsan waayey nolosheeda, wuxuuna xusay in tan iyo markii la keenay uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan, uuna qarka u saaran yahay inuu Waasho.
Dowlada Holland ayaa dhowaan Saciid si qasab ah uga soo masaafurisay dalkeeda, iyadoo ka soo dejisay magaalada Muqdisho oo aysan ku nooleyn eheladiisa, waxaana markii Saciid laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde is’hortaag ku sameeyey hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha oo dalbaday in dib wiilkan dib loogu celiyo halkii laga keenay.
Hase ahaatee saraakiil ka tirsan dowlada Holand oo la socday Saciid ayaa xiriir la sameeyey xafiiska raisul wasaaraha Somalia oo markii dambe aqbalay dalabka saraakiishan, hogaanka socdaalkana amar ku siiyey in Saciid magaalada la soo geliyo, iyadoo dowlada Holand aysan faahfaahin ka bixin sababaha ay dalkeeda uga soo masaafurisay wiilkan Soomaaliga ah oo dalkaas kula noolaa eheladiisa