Saturday, November 16, 2013

SL: Saylici oo ka walaacsan Natiijo la’aanta Dhaqdhaqaaqa Maal-gashadeyaasha


Xafiiska Maal-gashiga Caalamiga ah oo Hargeysa laga furay iyo Caqabadaha horyaala"Warbixin




Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa markii ugu horeysay furtay Xafiis loo gaar yeelay Maal-gashiga Caalamiga ah iyo kan maxaliga ah, sida lagaga dhawaaqay Munaasibad maanta oo Sabti ah ka qabsoontay Hudheella Ambasador.




Talaabadan ayaa ka dambeysay hindise dalka lagu furayo Albaabka Maalgashiga oo dhawaan lagu soo kordhiyay dhismaha waaxyaha wasaaradda Ganacsiga, iyadoo laga duulayo fududeynta hadiiba baahiyo Maal-gashi dalka yimaadaan in la helo meel si fudud looga dheehan karo ama loogala macaamili karo.




Munaasibad balaadhan oo lagu furay Xafiiska Maal-gashiga oo ka mid ah waaxyaha wasaaradda Ganacsiga, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaam Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka mid ah Golaha wasiirrada iyo Marti sharax Maal-qabeeno iyo maamuus-qabayaal kale isugu jira.




Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo furitaankii Xafladaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada xafiiskan loo furay.




“Maalgashigu waa dariiqyada kooban ee u furan in dalkeena la maalgashado, sidaa awgeed, isaga oo Madaxwaynaha qaranku taasi ka duulaya waxa uu goostay in Maalgashadayaasha Caalamiga ah iyo ganacsada dalku ay ka qayb-galaan sidii arrintaasi loo hirgalin lahaa”ayuu yidhi Dr Cumar.




Waxaanu intaasi ku daray “arrintaas awgeed qofka Maalshadaha ee dibadda ka yimaadaa ma jirto meel u gaar ah oo u cayiman oo ay tagaan ma jirto (Maalgashiga), laakiin halkii uu cid ka garanayo ama hay’adaha qaranka ayuu la xidhiidhaa, taasina waxay keentay in siyaasaddii Maalgashigu noqoto mid kala googo’an oo aan sugnayn, taasina waxay innaga xumaynaysaa siyaasaddii maalgashiga, markaa Madaxwaynuhu wuu saaray in arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga la ururiyo.




markaa annaga oo ka duulayna taasi, waxaanu samaynay waaxdii dalka Maalgashiga isugu duba ridi lahayd”ayuu sheegay.




Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda xafiiskani dawlada iyo dalkaba u leeyahay “Dhammaanteen farxad ayay inoo tahay inaynu u wanqallo xafiiskii Maalgashiga Somaliland, oo hoos imanaya Wasaaradda Ganacsiga” ayuu ydihi .




Wuxuuse Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, yabaal ka muujiyay natiijo la’aanta safarada Maal-gashedayaashu dalka ku yimaadaan “Dawladayada Kulmiye farxad ayay inoo tahay, saddex sanadood ee aanu joogno waxaad moodaa inay soconayeen uun Maalgashadayaashu haddana aad moodeysay in aanay jirin wax midho dhalaya”.




Aasaaska Xafiiska Maal-gashiga




Bishii June ee sanadkan ayuu Madaxweynaha Somaliland Magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga, wasiir ku-xigeen iyo Agaasime Guud oo isla wasaaraddaasi loo magacaabay.




“Waxaanu Bilownay ka shaqaysiinta Xafiiska Magaal-gashiga dalka oo aanu doonayno inuu noqdo mid dalka ku soo kordhiya wax soosaar iyo Dhaqaale abuur baxaad leh”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maal-gashiga Maxamed Sheikh Cumar.




Agaasime Maxamed Cumar, ayaa intaasi raaciyay “qorshahayagu waxa weeye inaanu intaan sanadkani dhamaan dalka u samayno nidaam Maal-gashi oo Caalamiya, waanan wadnaa qorshihii”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Muhiimadda Xafiiska




Somaliland ayaa ah waddan curdin ah oo u baahan Maal-gashi haysta dihinaan dhaqaale lagula soo bixi karo, waxaana ilaa hada wax maal-gashi Caalamiya lagu tilmaami karo ka jira tiro shirkaddo iyo wershado ay ka mid yihiin Faraca Somaliland ee shirkadda Coca-Cola iyo Ganacsadaha Dhoofka Xoolaha ee Al-jaabiri.




Waxa kale oo jira Shirkaddo kuwo Shidaalka iyo Macdanta Baadhaya oo  badhkood hawshaasi hakiyeen iyo tiro maal-qabeeno Ajaanib ah oo Hanti faro guudkood lagu tilmaami karo dalka ka samaystay.




Caqabadaha horyaala




Suurto gal maaha in si fudud lagu soo jiito Maal-gashadeyaal Caalamiya , ilaa Bulshada somaliland ay ka soo go’do taasi.




Iska hor-imaad kaga yimaada Maal-gashadeyaasha dhinaca Bulshada, sidii Mashruuca dekedda Berbera ee ilaa hada taagan ayaa sababi kara inaan lagu guulaysan yoolkan.




Debecsanaanta Amniga dalka iyo nidaamka Hanti abuur ee wali ku dhisan hab-beeleedka iyo Casri Jaahiliga ayaa ka mid ah caqabadaha hindisahan horyaala.




Dariiqa lagu hir-gelin karo




Hirgelinta Xeer la jaan-qaadaya Qawaaniinta Caalamiga ah ee Maal-gashiga ayaa fure u ah in la sameeyo nidaamkan oo Hantileyaasha Caalamku ku soo hirtaan.




Bulshada Somaliland oo la fahansiiyo muhiimadda Mashaariiicda Maal-gashi ee Caalamiga ahi u leeyihiin waddanka ayaa iyada lafteedu ka mid noqonaysa dariiqyda sahlaya ku guulaysashada hindisahan.




Si kastaba ha ahaatee habsami u socodsiinta qorsheyaashan ayaa hadii lagu lamaaneeyo Cadaaalad iyo in bulshadu u sinaato dheefta waddanku ka faa’idayo, sida shaqo abuurka iyo mashaariicda lagaga bedelanayo deegaanada hawlaha maal-gashi ka fulayaan, u muuqda kuwo dhakhso u guulaysan doona.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com