Sunday, November 3, 2013

SL: Bilayska oo 20 sanadood ka dib Derejooyin ku xusay Aasaaskooda iyo Madaxweynaha oo loo sharaxay Qiimahooda


“Xuska Aasaaska Bilayska, Madaxweyne Siilaanyo oo ka dareen bixiyay Qiimaha Amniga + Waran-cadde oo sharaxay iyo Fadal oo farta ku fiiqay Fal-dambiyeedyadii sanadka”




Hargeysa(GNA)Hargaysa madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.  Maxamuud   Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa ka qayb gallay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay labaatan guuradii ka soo wareegtay aasaaska qaybaha kala duwan ee  ciidamadda booliska Somaliland.




Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa la aasaasay sanadkii 1993-kii, waxaanay ilaa xiligaasi soo mareen marxalado kala duwan, wakhtiyo mid waliba wacyigiisa lahaa iyo wadiiqo dheer oo ay maanta ku soo gaadheen heer wanaagsan oo ay aasaaskoodu u dabaal degeen iyagoo Derejooyin ku lebisan.




Munaasibad maanta lagu qabtay  xarunta  taliska guud ee ciidamadda booliska ee magaaladda Hargaysa oo lagu xusayay , waxa ka soo qayb  galay  taliyaha ciidamadda booliska Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, taliye ku xigeenka ciidamadda booliska  C/raxmaan Liibaan (Fooxle), taliyaha ciidanka qaranka  Sareeye Gaas  Ismaaciil Shaqale, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha,  hogaanadda ciidamadda booliska.




Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, masuuliyiin ka socday xafiiska ganacsiga dalka Ethiopia ee magaaladda Hargaysa   iyo masuuliyiin kale.




Saraakiisha ugu saraysa Ciidamada kala duwan ee Bilayska oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay Xaalada ay ku suganyihiin xiligan Bilaysku iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.




Taliyaha Ciidanka Bilayska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidanka Bilaysku heegan buuxa ugu jireen tan iyo markii la aasaasay sugida amaanka dalka iyo ka hortaga cadowga Gudaha.




Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa Xaflaadaasi ka shaaciyay tirada fal-dambiyeedyadii Ciidanku ka hortagooda iyo wax ka qabashadooda ku guulaysteen sanadkan, waxaanu xusay inay bilihii ugu dmabeeyay gacanta ku dhigeen tiro dad dambiileyaal ah oo geystay fal-dabiyeedyo kala duwan, kuwaasoo u badan dhalinyaro dilal geystay iyo kuwo fowdo kale lagu soo qabtay.




Madaxwaynaha  Somaliland Md.  Maxamuud   Axmed Maxamed (Siilaanyo), oo isaguna  khudbad ka jeediyay munaasibadaasi lagu xusayay labaatan guuradda ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska , ayaa si weyn uga hadlay qiimaha ciidanka amnigu dalka u leeyahay iyo dareenkiisa ku aadan ka soo qayb galka xuska loo sameeyay maanta.




“Farxad wayn ayay ii tahay in aan ka soo qayb-galo labaatan guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka booliska Somaliland, ciidamadda boolisku waa waxa aynu ku fadhino haddii aynu dalka nahay nabad geliyadaa  aynu haysano iyo wanaagaa aynu haysano, iyo midnimadaa aynu haysano, illaahay ka sekow waxaynu ugu mahad-naqaynaa ciidamada booliska ee amaanka dalka iyo ka dadkaba gacanta ku haya ayaynu uga mahad-naqaynaa”.




Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in ciidamadda boolisku madada ay   jireen hawl aad iyo aad u wayn ay qabteen, “mudadaa aynu jirnay  shaqo aad iyo aad u wayn ayay qabteen, waxay u soo jeedeen hadh iyo habeen nabad geliyadda dalka iyo ilaalinta amaanka dadka ayay u soo jeedeen, waxaanu leenahay sidii la tilmaamay  ee halkan ka muuqatay shaqooyinkii ay qabteen, tafaasiishii ay ka bixiyeen, sida ay xog-ogaalka u yihiin, sida ay ula socdaan, wixii dalka iyo dadku u baahan yahay waxaanu leenahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.




“waxaan balan qaadayaa haddii aan ahay madaxwaynihii qaranka Somaliland in aanu gacan buuxda ka siino  ciidanka amaanka, nabad geliyadda iyo booliska wixii ay u baahdaan ee ay ku sugayaan qaran-nimadda iyo amaanka dalka iyo dadka waxaanu ka siinaynaa gacan buuxda, dhiiri gelin iyo guubaabo, waxaan mar kale u mahad naqayaa ciidamadda booliska ee amaanka inoo haya, waxaan leeyahay iyaga iyo qoysaskoodaba iyo eheladoodaba aad iyo aad ayaan idiin hanbalyaynayaa”.




 wasiirka  arrimaha guddaha  Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay isaguna sharaxaad ka bixiyay noocyada Ciidanka bilayska iyo marxalada Maanta ay ku suganyihiin Hay’adaha amniga guduhu.




Waxaanu yidhi “Muddane madaxwayne  waxaan jecelahay in aan halkan kugu soo dhaweeyo sanad guuradda labaatanaad  ee ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliiska Somaliland, iyada oo uu qaan gaadhay booliska Somaliland, aniga oo ku hadlaya magaca saraakiisha ciidamada kala duwan, saraakiil ku xigeenadda, dableyaasha iyo fanaaniintii maskaxda furnayd ee halkan horteena ka jeediyay riwaayadii ka hadlaysay qiimaha ay leedahay Somaliland iyo gooni isku taageedu iyo sida ay bulshadda reer Somaliland ugu hanuunsan yihiin in ay dawladooda iyo dalkooda wax la qabtaan”.




“muddane madaxwayne waxaanu halkan ku haynaa ciidamada loo yaqaano ciidanka booliska oo ah ciidamo naftood hureyaal ah, oo habeen iyo maalinba u heegan ah sidii ay u daryeeli lahaayeen bulshadooda iyo qarankooda intaba si ay ugu noolaadaan nabadgeliyo, barwaaqo iyo bash-bash, muddane madaxwayne shaqadda uu boolisku u yahoo qarankan Somaliland waa shaqo aad u qiimo badan, waxay ilaaliyaan nabadda, waxay daryeelaan bulshadda, waxaa ku dhisan nabad guud ama nabadda guddaha ee Somaliland”.




“Waxaanu doonaynaa in aanu ciidanka booliska Somaliland gaadhsiino  halka ay joogaan ciidamadda casriga ah ee booliska ah ee wadamadda caalamku, waxaanu u soconaaa muddane madaxwayne oo aanu qorshaheedii haynaa in aanu ciidankeena u qalabayno sida ciidamadda caalmka ee casriga ah, waxaana ciidankan u diyaar ah tababar ay ku qaadanayaan sidii ay u sugi lahaayeen shaqadda ay qaranka u hayaan, sidii ay bulshadooda u daryeeli lahaayeen, isla markaana ay u noqon lahaayeen saaxiib dhaw oo bulshadda wadnahooda iyo dalkaba ku dhaw, oo marka ay arkaan ay ku farxaan ee aanay ka nixin” ayuu yidhi wasiir waran cadde.




In ka badan 3000 oo askari oo Bilays ah ayaa sanadkan lagu taxay Derejooyinka Ciidannimo oo ka kooban Xadhigle ilaa sareeye Guuto, kuwaasoo Maanta ku ciiday sanad guuradooda 20-aad Jawi ka duwan sanadihii hore.




Arrintan ayaa ka mid ah Guulaha ugu waaweyn ee dhinaca Ciidamada qalabka sida ee somaliland horumarka ka gaadhay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com