Sunday, November 17, 2013

Puntland: laba aan is-qaban Karin!Warbixin


Kumaanka Caydhoobay, kuwa Baro kacay iyo kuwa Dadkoodii Duufaanku dilay ma u dul-qaadan karaan Durbaanka Musharixiinta?




Garoowe(GNA)-Todobaadkii ugu dambeeyay ayay ahayd markii Duufaanka Tropical Cyclone, taasoo geysatay Khasaare baaxadleh oo galaafatay nolosha in ka badan saddex boqol oo ruux, tiro intaasi ka badana soo gaadhsiisay dhaawac nafeed iyo mid dhaqaale.




  Duufaankan oo ku habsaday inta badan goboladda Xeebta kulaala iyo deegaamo ka mid ah Nugaal iyo mudug, ayaa baro-kiciyay Kumaan qoys oo sida lagu waramay deegaanada qaar guryahoodii ka cararay, wax hanti ah oo kalena aan la baxsan.




Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta safar ku tegay deegaanada khasaaraha xoogan soo gaarey ayaa caawa la sheegay inay dib ugu soo laabteen degmada Dangoryo halkasoo ay u hoyden.




Madaxweynaha ayaa maanta soo indha indheeyey khasaaraha ka dhashey roobabka iyadoo berina uu gaari doono deegaano kale oo aan ilaa hada cadeyn kuwa ay yihiin.




Dhinaca kale, sida ay warisay Puntlandi gelinkii dambe ee maanta waxaa la bilaabay in la gubo kumanaan xoolo ah si aysan cuduro uga dhalan.




Duufaankan ayaa ku soo beegmay xili Olole Doorasho ka socdo Gobollada Puntland, kaasoo loogu ordayo Jagada Madaxtinimada ee waddanka.




Doorashooyinka ayaa loo qondeeyay bilowga sanadka cusub ee soo fool leh,waxaana ku loolamaya in ka badan 10 Musharax oo Madaxweyne doonaya iyo kuwo ku-xigeeno u ordaya.




Waxa ka mid ah reysal-wasaarihii hore ee Dawlada federaalka cabdiwali Maxamed Gaas iyo Cali Xaaji warsame.




“Sidaad la socotaan Puntland maanta waxa ay maraysaa duruuf adag,duruuftaasi oo ka timid dabaylihii xoogalahaa ee ku dhuftay dad farabadan baa dhintay,dad farabadan baa dhaawac ah,dhul badan baa burburay dhaqaalihii wadanka iyo jidadkii baa bur buray”Ayuu yiri Musharax Cali Xaaji oo markii ugu horaysay dalka soo gaadhay.




Ninkan ayaa doonaya inuu is rasmiya qorshihiisa madaxtinimo raadis ah dalka uga bilaabo, waxaany ka soo degay Maanta oo Sabti Garoonka Diyaaradaha ee Magaalo xeebeedka Boosaaso.




Dhinaca kale Dr. Cabdiwali Gaas oo wata Gaadiid Gaashaaman oo ciidan ayaa maanta Garoowe soo gaadhay, waxaana jira dhaqdhaqaaq iyo cabsi laga qabay inuu isku dhac yimaado.




Madaxweynaha Puntland Cabdiraxamaan Faroole oo isagu xusul duub baaxadleh ugu jira Madaxweynaha ayaa ku magacaabay Guddida amniga dalka inta lagu jiro xiliga doorashada, si looga hortago dhibaatooyin amni daro.




Xubnaha uu magacaabay waxa ka mid ah:-




Madaxweynaha Puntland Dr C/Raraxmaan faroole (Isaga)




 




Madaxweyne ku xigeenka General C/samad Cali Shire




 




Wasaarada Amniga Puntland




 




Wasaarada Maaliyada Puntland




 




Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Puntland




 




Taliyaha Sirdoonka Puntland.




Sidoo kale waxaa Digreetada lagu xusay in Taliyaha Hawlgalka Doorashooyinka Puntland loo Magacaabay Sareeye guuto Siciid Maxamed Xirsi oo horayna u ahaa Taliyaha Ciidanka Darwiishta Puntland Si uu u Maamulo Dhamaan Ciidamada Amaanka sugaya Maalintaasi oo ah Maalin si wayn Shacabka Reer Puntland iyo Soomaliya inteeda Badanba insha lagu hayo.




Su’aalo badan, dareen cabsi huwan iyo dood badan ayaa ka taagan sida doorashada Puntland u qabsoomi doonto, balse haatan waxaad moodaa ololaha doorashada lagu lamaaneeyay u gurmashada dadka tabaalaysan ee duufaanku ku dhacay.




Siyaasiyiinta ayaa badankoodu caalamka la hadlaya oo dalbaya in la soo caawiyo dadkaasi, waxaanay taasi qayb ka tahay soo jiidashada shacbiga ee dareenka siyaasiyiinta, halkii laga filayay inay lacagta ay ku ololeynayaan ay ugu deeqaan dadka tabaalaysan ee ay doonayaan inay madax u noqdaan.




Tani waxay u muuqataa fursad ay haystaan raga Madaxweyneyaasha doonayaa inay ku soo jiitaan indhaha bulshada rayidka ah, iyagoo maslaxad ka dhiganaya hadba siday mujtamaca caalamka ugu yeedhaan dadka baro kacay iyo kuwo caydhoobay.




Laakiinse caqliga saliimka ah iyo garashada caadiga ah ayaa dadka qaar tusaysa inaanay isqaban Karin Olole iyo durbaano laga garab tunto kumanaanka qoys ee noloshooda wax iska bedeleen shantii usbuucii la soo dhaafay, kuwaasoo u baahan in mujtamaca reer Puntland Maryahooda u furan, balse aan qaadi Karin bugta iyo baar cadeynta siyaasiyiinta Kursi raadiska ah.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com