Sunday, November 17, 2013

Cali Daacuun oo Kashifay Olole Sharci daro uu ku tilmaamay oo Xasan Sheikh waddo


 Muqdisho(GNA)-Siyaasiga Cali Maxamed Xasan (Cali Daacuun), ayaa kashifay Olole Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Baarlamanka kaga dalbanayo in mooshin lagu qaado Reysal-wasaare Cabdi Faarax Shirddoon.




Khilaafka u dhexeeya Reysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa marba marka ka dambeysa sii fogaanayo oo aan ilaa hada wax xal ah laga gaadhin.




"In Wasiiradu aysan ka soo qeybgelin shirkii Khamiis laha ee Golaha wasiiradda waxaa u sabab ah Madaxweynaha, waxaana arrintaasi ay sii kordhin doontaa khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha & R/wasaaraha, waxaana cad in Xassan Shiikh Maxúud marna aanu ka fikireyn maslaxada guud" ayuu yiri Cali Daacuun, wuxuuna intaa ku daray in qof kasta oo dowladda xil ka haya lagu qiimeeyo




"Madaxweynuhu wuxuu billabay inuu xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan u yeero oo uu u yiraah Mooshin ka geeya R/wasaaraha, waana arrin sharci darro ah, mooshinkaasina wuxuu noqonayaa mid xaaraan ah" ayuu yiri Cali Daacuun, wuxuuna intaa ku daray in Xassan Shiikh uu dhaawac weyn u geystay haykalkii dowladdnimada.




"Bishii Ogoosto 97 xildhibaanno ayaa baarlamaanka horgeeyey mooshin ka dhan R/wasaaraha Saacid, waxaa mooshinkaasi burburiyey Xassan Shiikh, maanta-na isaga ayaa xildhibaanada ku dirqinaya in ay mooshin ka soo qoraan taasi waxey u muuqataa in Xassan Shiikh uu dalka ka yahay Guddomiye baarlamaan & Madaxweyne, wuxuuna doonayaa inuu dalka ku maamulo hadba sida uu doono isaga oo aan raali ka aheyn dastuurka" ayuu yiri Cali Daacuun,




"Waxaa la sugayaa in baarlamaanku u hiiliyo cadaaladda, haddii baarlamaanka u hiilin waayo cadaaladda waxaa imaanaysa in caasimada lagu kala guuro sida ay hadda wax u socdaan shaki weyn ayey galineysaa in Muqdisho ay noqoto caasimad Soomaaliyeed" ayuu yiri Cali Daacuun.




"Marka 1-aad, 2-aad & marka 3-aad madaxweynuhu wuxuu si xoog & xeelad ah ku doonayaa in uu awoodii dalka isagu maroorsado, laauush-na u adeegsado baarlamaanka, waxaana Soomaalida dibedda iyo  gudaha u soo jeedinayaa in ay qeylo dheer muujiyaan oo ay madaxweynaha ku tilmaamaan keli taliye.




" Awooda intaa la eg marnaba madaxweynuhu dastuurka siin maayo xaalada Soomaaliya ay maanta ay ku jirto waa fowdo, waxaana u sabab u ah madaxweynaha" ayuu yiri Cali Daacuun.