Muqdisho(GNA)-Khilaafka Madaxweyneha iyo reysal-wasaaraha somaliya, ayaa cirka isku sii shareeraya, una muuqda mid aragtiyo kala fol lagu kala dhegesanyahay.
Kulan ayay Caawa ku yeesheen Hudheelka Al-jazeera ee Magaalada Muqdisho Naadiga Badbaado Qaran ee ay ku bahoobeen Wasiiraddii xukuumadda C/wali Maxamed Gaas ee xilka laga wareejiyay sanad ka hor.
Shirkaasi oo uu gudoominayay Gudoomiyaha naadiga Badbaado Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” wasiirkii hore ee warfaafinta Boosaha iyo Isgaarsiinta, waxa lagaga hadlay xaalada dalka iyo khilaafka madaxda sare ee dawladda, taasoo shirku ku tilmaamay waxaan loo dulqaadan Karin.
“Waxa aan ka xunahay khilaafka xiligan taagan iyadoo dowladu jirtay mudo sanad ah dibna loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii kumeel gaarka. anagoo ka sugaynay dowlada federaalku inay hore u sii wado hanaanka dowladinmo” sidaa waxa yiri Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” oo ahaa shirgudoonka .
Dood dheer iyo falaqeyn ku saabsan sida khilaafkan loo xalin karo ka dib waxay badbaado qaran soo saareen, war-murtiyeed ka kooban dhawr qodob oo ku saabsan hanaanka loo xalin karo muranka madaxda dawladda.
Kaasoo u dhignaa sidan:
1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.
2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha.
Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran waxayna ka kooban yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 30 Mudane iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaano, waxayna kulamo joogta ah ku yeeshaan dalka gudahiisa, iyagoona ku falanqeeya xaaladaha dalka gaar ahaan arimaha Amniga,Siyaasada iyo dhaqaalaha.
Badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii kumeel gaarka ahayd yeeshana dowlad rasmiya.
Dhinaca kale, sida laga helayo warar ka soo duul-duulaya madaxtooyada somaliya, Madaxweynaha ayaa kulan caawa kula leh madaxtooyada badi Golaha wasiirrada ee xukuumadda,inkasta oo aan la ogayn waxa uu kala hadlayo.
Khilaafka madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha ayaa u muuqda mid sii durkaya oo aanay jirinba wax laysku hayaa balse madaxweynaha ka soo go’day inuu iscasilo Cabdi Faarax shirdoon.
Ashkhaas dhawr ah ayaa xusul duub ugu jira inay bedelaan Cabdi Faarax shirdoon “saacid”,kuwaasoo ay ka mid yihiin Reysal-wasaarihii hore ee dawladdii KM ahayd Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Si kastaba ha ahaatee wararka laysla dhexmarayo Magaalada Muqdisho caawa ayaa ah kuwo dhan loo qaado iyo meel xaalku ku dambeyn doono midna aanay cadeyn, balse markasta ay arintu filasho hor leh ku sii durkaysaa.
Xasan sheikh Maxamuud ayaa waxa ka go’an in reysal-wasaare shirdoon Kursiga Baneeyo, halka Reysal-wasaaruhuna uu ka gows adaygay, una arko wax dastuurka ka baxsan.
la soco wixii ka soo kordha
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com