Thursday, November 14, 2013

Jowhar:Haween ka soo baro-kacay Dagaalka Sokeeye oo ku Dhibaataysan Saldhigyada AMISOM


Jowhar(GNA)-Dagaalka sokeeye ee socda Deegaanada Degmada Jowhar ayaa sababay baro-kac iyo dhibaatooyin kale.




Haweenka ayaa ka mid ah dadka boqolaal Baro-kacayaal ah oo uu saameyn nololeed ku yeeshay dagaalku.




Dagaal beeleed ka socda agagaarka Jawhar ayaa u dhexeeya beelo halkaasi wada degen, waxaanay dawladda iyo dadka ka shaqeeya Maslaxadu ku baaqeen in la joojiyo.




Dumarka soo baro-kacay ayaa la sheegay inay qaarkood Wabiga ku dhinteen, qaarna dhexda meelo cidlo ah wadada ah ku Umuleen.




Tani waxay ka mid tahay dhibaatooyinka Bino-aadanimo ee ay sababeen colaadaha sokeeye xili Bulshada somaliyeed rejo nabad-gelyo urinayso, isla markaana xaaladu soo qaboobayso 22 sanadood ka dib.




Ilaa Kontameeyo haween oo wata caruurtooda ayaa ku sugan Xarun caafimaad oo Ciidamada AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, kuwaasoo qaarkood haystaan Caruur yaryar oo intii ay dhexda ku soo jireen dhashay.




Haweenkan iyo caruurtooda ayaa xaalado nololeed ku heystaa Teendho looga sameeyay garoonka diyaaradaha oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana ku jira ilaa 20-haween uur lahaa.




Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku booqday Garoonka diyaaradaha Jowhar haweenkan iyo caruurtooda oo xaalado bani'aadanimo heysta, waxaana ay ugu baaqeen hey'adaha sama falka inay gar gaar la soo gaaraan.




Haweenkan ku soo umulay wadada, intii ay ka soo cararayeen dagaalada ayaa dhowr teendho looga sameeyay garoonka diyaaradaha Jowhar ku heysan wax daawo ah iyo daryeel caafimaad toona , marka laga reebo daawooyinka ay isticmaalaan Ciidamada AMISOM ee loogu tala galay askarta ku dhaawacanta dagaalada.




Qaar ka mid ah haweenkan ayaa sheegay in ay kala firxadeen, qaarna wabiga ku dhinteen, isla markaana qaarkood ragoodii  ku dhinteen dagaalada.




Magaalada Jowhar ayaa wali ku jirta go'doon, iyadoo aanay jirin meel sahayda loo marsiiyo dadka ku dhiibaateysan ee ka barakacay fatahaadaha iyo colaadaha, marka laga reebo in diyaarad lagu geeyo.




Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalintii shalay mar kale ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka socda Gobolka Shabeele.




Hay’dda Culimada Somaaliyeed ayaa iyaguna ku baaqay in dagaalkaasi la joojiyo, iyadoo dhinaca kalena nabad doono iyo dad kale oo waxgarad ahi ku hawlanyihiin dedaalo lagu daminayo xiisadaasi.  




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com