Monday, November 4, 2013

Maraykanka oo Sucuudiga ka Daweynaya Cuqdad uu ka qaaday Xidhiidhka Obama iyo Xasan Rooxaani iyo Masar


Riyadh(GNA)-Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa ka degay Sacuudi Carabiya,xili si weyn looga dayrinayay xidhiidhka labada waddan oo sii xumaaneyay bilihii ugu dambeeyay.




Sucuudiga ayaa bishii hore ku gacan saydhay xubinimada Golaha amaanka oo si ku-meel gaadh ah loo siiyay, waxaana jira dhawr arrimood oo lagu sababeynayo xumaanshiyaha cilaaqaadka Washintong iyo Riyaad, ka hor intaan John Kerry maanta booqan.




Xidhiidhka soo wanaagsanaaaya ee Maraykanka, go’aanka Qalalaasaha Suuriya ee Reer Galbeedka iyo cuno-qabateynta Maraykanku ku soo rogay Milateriga masar, ayaa xudun u ah khilaafka labada waddan, waxaana jira arrimo kale oo ay ka mid tahay in sucuudigu dareemayo in Washington ka maarmayso saliida ay ka iibsato.




John Waxa la filayaa in uu isku dayo in uu wanaajiyo xiriirka labada dal ee uu dhaawaca gaarsiiyay qalalaasaha ka taagan Suuriya, sida ay diblomaasiyiintu sheegayaan.




“Sacuudigu wuxuu ka xunyahay isu soo dhawaanshaha Iraan iyo Maraykanka tan iyo markii Xasan Ruuxaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalka Iraan”sidaasi waxa sheegay Cilmi baadhe dersa arrimaha carabta.




Xoghayaha maraykanka Kerry ayaa Maalin ka hor booqday dalka Masar, waxaanu maamulka ku meel gaarka ah ugu baaqay in la joojiyo rabshadaha.




Kerry ayaa ka codsaday dowladda Masar in ay qaaddo tallaabooyin lagu soo celinayo Dimuquraadiyadda, isagoo sheegay in Mareykanku go'aansaday inuu sii wado wada shaqeynta uu la leeyahay maamulka Masar.




Dowladda Maraykanka ayaa jartay qeyb ka mid ah deeqda la siiyo dalka Masar, af-gambigii Mileteriga ka dib, waxaanay taasi dhalisay culays soo waajahay Ciidamada Masar oo dhaqaalahooda ay saameyn ku yeelatay.




John Kerry, ayaa Riyadh ka naawilaya debecsanaan siyaasadeed iyo in xidhiidhkoodu wanaagsanaado, waxaanu hore u sheegay inaanay marnaba maraykanku ilaawi doonin saaxiibtinimada ka dhexeeysa Sucuudiga.




Sucuudiga ayaa arrimaha carabta saameyn weyn ku leh, waxaanu ka soo horjeeda Maamulka Suriya ee Bashar asad.




Iiraan ayuu uga cabsi qabaa inay kala wareegto awoodaha siyaasadeed ee Bariga dhexe iyo Caalamka Carabta,lana soo noqoto hogaamintii ay bariga dhexe ku lahayd wixii ka horeeyay bilowgii Kacaanka 1975-kii.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com