Monday, November 4, 2013

Dhegeysiga Dacwadda M. Mursi oo Dib loo dhigay, ka dib markii uu ku gacan saydhay Maxkamadda


Qaahira(GNA)-Madaxweynihii xukunka laga Tuuray ee Masar Maxamed Mursi ayaa Maanta la soo taagay Maxkamad ku taala Magaalada Qaahira, taasoo kaa furan xarun bilaysku leeyahay.




Mursi iyo  14 nin oo kale oo ka tirsan Ikhwaanu Muslimiinka ayaa lagu eedeynayaa Kicin iyo Khal-khal gelin amaanka Masar.




Muuqaalka Ruuxiga ah ee Maxamed Mursi ayaa tan iyo 2-dii bishii jully markii xukunka laga tuuray ee la xidhay ka soo muuqda Maxkamadda, iyadoo laga soo dejiyay Gaadhi yar oo Ambulace ah oo Bilaysku leeyahay, iyadoo ay garbaha hayeen saraakiil ciidan ah iyo ashkhaas kale oo sar-sare.




“Maxaa dhacay, ma kacdoon Ciidanbaa”ayuu yidhi Maxamed Mursi markii maxkamadda horteeda la keenay.




“waxaan aaminsanhay in Garsoorka Masar Dahaadh u yahay Af-gambiga iyo dhibaatada ay ku kaceen milaterigu”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




Maxamed Mursi iyo Kooxda maxkamadda lala soo taagay ayaa ku gacan saydhay inay Maxkamadda sare u aqoonsadaan mid sharci ah, waxaanay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo aanay aqoonsanayn.




Maxamed Mursi ayaa Maxkamadda dhexdeeda kaga dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Masar, waxaanu diiday in qareen difaaca uu u qabsado maxkamada, isagoo ku doodaya inuu isagu isdifaaci doono.




Bahaa Abdelrahman oo ah qareenka u doodaya  Essam el-Arian oo ah Masuuliyiinta Ururka Ikwaanu Muslimiinka ee Maxamed Mursi lala maxkamadeynayo, ayaa sheegay inay kalsooni buuxda ka qabaan inay ragani cadaalad heli doonaan, kuna dedaalayaan inay ka difaacaan wax kasta oo lagu soo eedeeyo.




Xaakinka dhagaysanayay dacwadda madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar ayaa dib u dhigay dhagaysiga dacwadda, ka dib markii Maxamad Mursi diiday nuu xirto lebiskii maxkamadda, isagoo sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga.




Dibedbaxyo ayaa lagu qabtay meel dibedda ka ah xarun ay boliisku leeyihiin oo ay ka furantay dacwadda Mursi, waxaanay Taageerayaasha Mursi  ku baaqeen isu soo baxyo ballaaran.




Dacwadda Mursi ayaa sii socon doontaa ilaa  bisha January ee sanadka soo socda,waxaana loo haystaa in ay dileen dad dibadbaxayay xilligii uu Mursi xukunka hayay.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com




Halkan ka daawo Video: