“Waa inaad Ilaalisaan sirta wasaaraddaha dawladd oo ay aadaan farsamo yaqaaniin uu noqon”dhegeyso Madaxweyne Siilaanyo oo aan dar-daaran waxba ula hadhin Agaasimeyaasha guud ee dawladda.
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha, kaasoo ka dhacay aqalka Madaxtooyada.
Kulankan waxa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Madaxtooyada, waxaanay isku dhaafsadeen dood dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha Hanaanka shaqo ee Wasaaraddaha.
Madaxweynaha ayaa kulankaasi ka dib si adag ula dar-daarmay Agaasimeyaasha Guud, waxaanu ka dalbaday inay shaqadooda si wanaagsan uga soo baxaan, ilaaliyaana sirta shaqada ay hayaan iyo saacadaha shaqadda.
“Had iyo jeer waxa la yidhaahdaa Musuqmaasuqbaa jira iyo waxan baa jira, markaa cidda hawsha gacanta ku haysa ee sirta Xafiisyada haysaa waa Agaasimeyaasha guud, taana inaad ilaalisaan ayaa loo baahanyahay”ayuu ku yidhi Madaxweynuhu agaasimeyaasha guud.
Isagoo kula dardaarmaya inay saacadaha shaqada Hay’adaha Ilaaliyaan, waxa uu yidhi “xiliyadda la shaqaynayo hadii shaqada laga rawaxo xili hore, dee waxba ma hagaagayaan, taana cida ogaanaysa ee wakhtiga shaqada ilaalinaysaa waa idinka”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Halkan ka dhegeyso Dardaaranka Madaxweynaha: