Muqdisho(GNA)Dagaal ayaa saaka ka bilowday Deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeelada hoose.
Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada dawladda iyo Maleeshiyaad deegaankaasi ku sugan oo hubaysan.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidi oo ka hadlay dagaalkan oo aan wali joogsan ayaa sheegay in maamulkiisa aan lagu soo wargelin weerarka ay qaadeen ciidamada Milateriga, isagoo ku tilmaamay maleeshiyaadka deegaanka ay yihiin kuwo la shaqeeya maamulka deegaanka Nambar 50.
"Daryanka hubka noocyadiisa kala duwan ayaan hada maqleynaa, aniga Afgooye ayaa joogaa, deegaanka Nambar 50 ayuu dagaalka ka socdaa, runtii ciidamada milateriga ee gaaska 12 ayaa weerarkaas qaaday, anagana nagula soo wargelin, sababta uu dagaalka ku bilowday waxba kama ogin"ayuu yiri C/qaadir Siidii.
Gudoomiyaha Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ilaa 11 ruux ay ku dhinteen dagaalka, inkastoo uu xusay in qasaaraha uu intaa ka badan karo, waxaana uu xusay in Maamulkiisa uu gudi u saaray baaritaanka dagaalkaas.
"Gobolka waxaa uu horay uga soo laabtay dagaal labo beelood oo labo bil ka hor ku dhex maray, hadana dagaalkaas waxaa u saarnay gudi"ayuu yiri.
C/qaadir Siidi ayaa intaa ku daray in ciidamada deegaanka ay ku howlanaayeen in la xareeyo lana qarameeyo.
C/llaahi Waafow oo ah Gudoomiyaha deegaanka Nambar Kontan ayaa sheegay in ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay soo weerareen deegaanka, isla markaana ay dad rayid ah xasuuqeen, waxaana uu ku eedeeyay in ciidankaas uu hogaaminayay Jen, lagu magacaabo Qaafow.
Dagaalada ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Marka iyo Afgooye ayaa ah dagaalkii ugu xooganaa ee ay ka qeyb qaataan gaadiidka dagaalka, kaasoo saameyn ku yeeshay isu socodka deegaanadaas.